Munaasabad lagu xusayey Maalinta dhirbeerista Qaranka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

17 April, ayaa loo aqoonsaday in ay tahay maalinta dhir beerista Qaranka Soomliyeed,  munaasbad lagu weyneynayo malintaan ayaana maanta wasaaradda Xananada Xoolaha dhirta iyo daaqa Xukuumadda Soomaaliya ku qabatay Muqdisho.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo agaasimaha guud wasaarada Xanaanada xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Munaasabadaasi,  ayaa sheegay in ay dhiiri galinayaan, islamarkaana ay xoogga saari doonaan beerista dhirta.

Xil C/fitaax Qaasim oo ka tirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ilaaliyaan dhirta, isaggoo xusay in  diinta Islaamka ay ka hadashay dhowrista dhirta.

Dadkii ka soo qeyb galay Munaasabada,  ayaa ku waxa ay ku baaqeen in la joojiyo xaalufinta dhirta.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here