Munaasabad lagu xusayo maalinta xorriyadda ee 1-da Lulyo oo caawa ka socota Muqdisho

0
2822

Xaflad aad u ballaaran islamarkaana uu so soo agaasimay maamulka gobolka Banaadir ayaa caawa ka socota aqalka dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamanka, R/wasaaraha, wasiirro, xildhibaanno,  qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo farabadan lagu arkayo waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho kuwaasoo baaritaan ku haya gaadiidka.

Inta ay socoto xaflada ayaa lagu soo bandhigi doonaa taariikhda halgankii dheereeyd ee loo soo galay madaxbanaanida dalkeena, suugaan kala duwan oo ku saabsan muhiimadda maalinta xorriyada 1-da Lulyo

Waa munaasabadii 56-aad ee ka soo wareegtay markii gobollada Koofureed ay xorriyaddooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen labada gobol ee waqooyi iyo Koofur halkaasoo ay ka dhalatay jamhuuriyadda Soomaaliya.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here