Munaasabad soo dhaweyn ah oo lasoo sameeyey Madaxweynaha Eritrea iyo Wafdigiisa

Munaasabad soo dhaweyn ah ayaa xalay magaalada Muqdisho waxaa loogu sameeyey Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki kaas oo shalay soo gaaray Muqdisho.

Munaasabadda oo siweyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya, Saraakiil Ciidan, Bulshadda iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha DFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhigiisa Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ku casuumay Munaasabadaas kadib imaatinkiisii Muqdisho shalay duhurkii.

Kooxda Fanaaniinta Heegan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa halkaas ku soo bandhigay heeso aad iyo u dhiiro galiyey dadkii Munaasabadda ka soo qeyb galay kuwaas oo heesa qaarkood ay ku qaadayeen Luuqadda dalkaas Eritrea.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa shalay booqaasho rasmi ku yimid magaalada Muqdisho isagoona booqashadiisu qaadan doonto muddo labo cisho ah

Madaxweynaha Eritrea inta uu ku sugan yahay Muqdisho waxaa kullamo laqaadan doonaa Madaxda Dowaladda Soomaaliya iyaga oo kawada hadli doona xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labadda Shacab iyo sidoo kale siddii loo hormarin lahaa dhinacyadda Ganacsiga, Socdaalka iyo Arrimo kale.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Dowladda Soomaaliya War kasoo saarto marka uu dhamaado Socdaalka Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo waxyaabaha ay labadda dhinac kawada hadleen.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here