Munaasabada todobaadka Dhir beerista oo Muqdisho lagu qabtay

0
903

Iyadoo lagu guda jir todobaadka dhir beerista Soomaaliya ayaa maanta munaasabad arrintan ku saabsan lagu qabtay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee loo xirsaaray, Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil ciidan, ururrada haweenka, Fanaaniinta kooxda Heegan ee ciidanka Booliska, arday iyo dadweyne kale.

Goobta lagu qabanayay munaasabadda oo lagu xardhay astaamo lagu weyneynayay ahmiyadda dhirta ay u leedahay noole kasta ayaa waxa ay ciidanka booliska lagu wareejiyay dhir loogu talagalay inay ku beeraan gudaha xarunta Jeneraal Kaahiye.

Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana xubin ka ah guddiga heerka Qaran ee loo xilsaaray todobaadka dhir beerista Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Amiin) ayaa faah faahin ka bixiyay waxayabaha u qabsoomay.

Canab Xasan Cilmi Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka ayaa shacabka ka codsaday inay ka hortagaan dadka dhirta jaraya, ayna gacan ka geystaan dhir beerista.

Taliyaha qeybta booliska Gobolka Banaadir ahna ku-simaha Taliyaha ciidanka booliska Jeneraal Muqtaar Xasan Afrax ayaa madaxda Wasaarada Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa uga mahadceliyay dhirta ay soo gaarsiiyeen akadeemiyada Jeneraal Kaahiye, isla markaana ay ka qeybqaadan doonaan dhir beerista.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa Cabdinaasir Gaarane oo ugu dambeyn munaasabadda soo xiray ayaa sheegay in dowladda ay xoogga saari sidii todobaadka doonto in dhir beerista loo gaarsiin lahaa dhamaan gobollada dalka, isagoo maamul goboleedyada ka codsaday inay ka qeyb qaataan weyneynta todobaadka dhir beerista Soomaaliya.

Fanaaniinta kooxda Heegan waxa ay ku soo bandhigeen ruwaayado iyo sugaan ka turjumeysa ahmiyada ay noolaha u leedahay dhirta.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here