Munaasbad Loogu Baroooq Diiqayay Guddoomiyihii Xiriirka Ciyaaraha Fudud Oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

1254

Munaasabad Baroordiiq ah oo uu soo qaban qaabiyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo kaashanaya Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha  Fudud ayna ka  qayb galeen mas’uuiyiin ka socotay GOS, Xiriirada kale gedisan  ee dalka ciyaartoy hore iyo  qoyska Pro: Maxamed Cali ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ugu Horeyn waxaa halkaas ka hadlay Xogahayaha Guud ee XSCF Maxamed Cabdullahi   DHaaaleey  waxuuna yiri”   Waxaan ka ka murigaysan nahay geeridii  naxdinta lahayd ee ku timid Guddoomihii  XSCF oo  runtii ahaa nin taariikh wayn ku lahaa isboortiga Soomaliyed  gaar ahaan xiriirka Ciyaaraha Fudud” Xaqiiqdi Ma iloobi doono waxaana fulin doonaa dardaarankiisi ahaa in loo istaago horumarinta isboortiga dalka.

Kusimaha Guddoomiyaha XSCF Marwo Khadiijo Aadan Daahir oo  Munaasabadda kadhashay  ayaa sheegtay  in  xiriirka ciyaraaha fudud o aad uga muroogooday geerida Pro: Maxamed oo ay ku tilmaamtay in uu ahaa halyeey taariikh wayn ku leh bahda isboortiga guud ahaan igaar ahaan ciyaaraha fudud.

Guddoomiyaha Xiriirka Takenwaduga  Aweys Maxamed Abati Orafeyo oo Goobta ka hadlay Goobta ayaa yiri”  sanadihii 50-aadki ayaa ku soo biiray ciyaaraha Feerka oo aan guulo ka gaaray waxanaa ka dambeeyay  Pro: Maxamed Cali oo xiliga ahaa  garsoore,waxuuna aad u jeclaa in uu dhalinayarada ku dheeri geliyo qayabaha kale gedisan ee isboortiga si isboortiga dalka u horumaro.

Madaxa Farasama Xiriirka kubada Gacanta  Cabdullahi Xasan Kuusoow  oo goobta kahadlkay isagoo tiiraayeysan ayaa si qoto dheer uga sheekeeyay taariidka Marxuumka waxuuna  sheegay in Guddoomiayah uu ahaa Macalinkiisii jaamacada Lafoole ee baray xirfada isboortiga islamarkaana soo saaray  macalimiin iyo ciyaartoy dalkabilado u soo hoyay.

Raashid Maxamed  Cali oo Wiilka Marxuumka Geeriyoday  oo munssabada kasoo qayb gakay ayaa sheegay in Aabahii ka geriyooday dhamaan umada Soomaaliyeed  qoyskuusuuna ay ku qanacsan yihiin sida bahda isboortiga   ugu murugoodeen .

Ugu dambeyn waxaa Munasada Baroordiiqa soo xeray Madaxa  Armiaha xiriirada Gos Xaaji Maxamed Axmed Colow, waxuuna yiri. aniga ku hadlay magaca Guddiga olombikada iyo kan xiriiradiisa waxaan ugu  horeyn tacsi u dirayaa Qoyskii uu ka geeriyooday Profesora,  Macalinkaygi ayuu ahaa sanadihii lixdamaadki waxaana markasta ka go’neyd in isboortiga dalka  horumaro  waxuuna caawin jiray dhamaan ciyaaraha dalka isagoo qof kasta ku dhiire gelin jiray  booska uu ku haboon yahay  horumarna  kasamayn karo. waxuuna ahaa Macalin soo saaray  dad waxtar u leh isboortiga dalka iyodibadiisaba  gaar ahaan dalka Imaraadka uu qayb wayn ka qaatay isboortigooda taasoo muujinaysa sumcada uu umadddasoomaaliyeed u soo hoyay.

“Waqtigiisi ayaa intaa ku ekaSamir iyo iimaan alle hanaga siiyo  , balse waxaa xiriirka ciyaraha fudud kula dardaarmayaa in taariikhdiisa laga sameeyo Buug  Guddiga olombiakdana makasta way xusi doonaan cidkasta oo taariikh ku leh isboortiga dalka ayuu hadalkisia ku soo gebagabeeyay Xaaji Colow.

Ugu dambeyn masuuliyiintiikasoo qayb gashay ayaa  alle uga baryay  Marxuumka naxariisti Jano ka waraabiyo, samir iimman kasiiyo dhamaan intii u ka geeriyooday.

IMG_0964 IMG_1006 IMG_1007 IMG_1019 IMG_1024 IMG_1026 IMG_1132 IMG_1150

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here