Muqdisho: Carruur aragga la’ oo deeq lacageed la gaarsiiyay

Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holand ayaa deeq lacageed oo ay iska soo uruuriyeen gaarsiiyay carruurta aragga la’ ee wax ka barata dugsiga Al-Bashiir ee magaalada Muqdisho.

Drs Sahro Siyaad Naaleeye oo carruurta u qeybisay deeqdan oo ahad laba kun oo doolar ayaa sheegtay in carruurtan qaarkood indhahooda wax laga qaban karo, ayadoo dadka ugu baaqday inay ka qeyb qaataan daryeelka dadka aragga la’.

“Bahidoodu wa ay ka badan tahay(lacagtan aan siinnay) waxa la ii shegey iney ku jiran kuwo indhahooda wax laga qaban karo, waa in ay dadka Soomaaliyeed caawiyaanayay yiri Drs. Sahro.

Goddoomiyaha dugsiga Al-Bashiir Cabduqaadir Maxamed Calasow oo guddoomey deeqdan lacageed ayaa uga mahadceliyey dadka iska soo aruuriyay.

Walalayaal aad ayaan idunkugu mahad celinayaa,…… inta gacanta ka geysatay waan uga mahad celineynaa ajar Alle ha idin ka siiyo” ayuu yiri Cabdulqaadir.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan oo iyana goobta hadlka jeedisay ayaa bulshada Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku dhaqan ayadoo ka dalabtay in caruurtan Soomaaliyeed ee aragga la’ caawimaad loo fidiyo.

Marka hore waxaan u mahad celinaya jaliyadda holand ee ay Sahro wakiilka ka tahey hormuudna ka aheyd, deeqdaan carruurta la soo gaarsiiyey caruurtan araga la’a iyo macalimiintooda, waxaan idanka codsaneynaa bulshada Soomaaliyeedey inaad soo caawintaan sidii ay waxbarasho tayeysan iyo cafimaadba u heli la haayeen carruurtani” ayay tiri xildhibaan Fowsiyo.

Dugsigan waxaa wax ka barta 297 arday oo aragga la’ kuwaas oo isugu jira heerar kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here