Muqdisho: Imtixaanka guud ee dugsiyada sare waxa uu si rasmi ah u bilaanayaa 30-ka May “SAWIRRO”

2318

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay xilliga kama dambeysta ah ee la qaadayo Imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ee waxbarashada ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Mas’uuliyinta Wasaaradda Waxbarshada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumada Fedraalka Soomaliya oo maanta marti ku ahaa Barnaamijka Sahanka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ayaa waxey  kaga hadleyn qorshayaasha Wasaaradda ee ku aadan Waxbarshada Dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarshada, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Nuur ayaa sheegay in Ardaygii aan galin imtixaanka dowladda aan lasiin doonin shahaado uu dibada ku aado ama uu gudaha dalka wax kaga  barto.

”Marka labo qodob aan ukala  qaado imtixaanka sida lasheegay imtixaan qasab ma ahan in lagalo dadka kuma qasbana qofkii rabaa galaayo waaxuriyad laakiin go’aanku wuxuu yahay oo aan rabo in uu qofkasto maqlo oo berito war ka imaanin” isagoo intaa raaciyay “Imtixaankas qofkaan galin ma lahan shahaado uu dibada ku aado iyo mid uu gudaha ku aado midna ma helaayo, Wasaaraduna ma bixin doonto marka qofkasto asigoo sidaasi og waa in uu imtixaanku gala ama uu ka baaqdaa, waxaan rajeyneynaa oo aan Ummadda Soomaaliyed ka rajeyneynaa, Waalidkana ka rajeyneynaa in imtixaankas galaan oo ardaydu in imtixaan ay galaan loo ogolaado si shahaadada u qaatan”.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumada Soomaliya Mudane Cabdulaahi Bile Nuur ayaa tilmamay in Wasaaradda Waxbarashada 24 sano kadib ay dalka ka hirgalin doonto  30ka bishan May ee 2015 imtixaanadka Dugsiyada sare ee Dalka.

”Anaga hadaan nahay Wasaraadda Waxbrashada,  waxaa qorshaha dhow inoogu jirta in aanu qaadno imtixaanka shahaada bixinta, imtixaankaasi oo dhici doono sida aad u sheegtay hadda 30 May, waxaana uu ka dhici doonaa dhamaan gobalada 11 gobal ee uu ka koobanyahay Koonfurta  iyo bartamaha Soomaliya”

Wasaaradda Waxbarsahada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinki ugu danbeeyay waday qorshayaal lagu tayeeynayo waxbarshada dalka iyo in dib loo soo celiyo adeegyada waxbarasho ay heli jireen bulshada Soomaaliyed.

IMG_9135 IMG_9139 IMG_9142 IMG_9144 IMG_9148 IMG_9149 IMG_9151 IMG_9153 IMG_9157 IMG_9161 IMG_9162 IMG_9165 IMG_9166 IMG_9167 IMG_9168 IMG_9171 IMG_9173 IMG_9175 IMG_9177

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Feereysane)

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waa wax lagu farxo oo ow dareemi karo qofkastoo wadani ah in maanta wadankeeni 25 sano kadib ow yeesho imtixaan mideeysan, waxaa marka hore mahad mudan illaaheey subxaana wa tacaalaa oo arrintaas noo suurto geliyay intaas kadibna waxaan hambalyo iyo salaan sharafleh u diraynaa wasaarada waxbarashada oo dadaal xoog leh oo wadaninimo ku jirto muujiyay guushaan qaaliga ah ee mideyneysa waxbarashadii wadankeena.
    illaaheey waxaan ka rajeyneynaa in waqti aan dheereeyna aragno wadankeeni oo dhamaantiis israacay iyo shacabkeeni oo walaaloobay markale inshaa allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here