Muqdisho oo maanta laga xusayo dadkii ku shahiiday musiibadii 14-kii October

457

Muqdisho Saaka waa ay uga duwan tahey maalmihii hore ee caaadi ahaa ee ay soo martey, taariikhihii caadi ahaa ee la xusi jirey saaaka mid ka duwan ayaa ka jirta magaaladda lagana xusayaa waana musabadii qaran ee Dhacdey maanta oo kale Sanadkii hore.

 

Dadka ayaa isu diyaarinaya saaka maalin ka duwan maalmihii hore ee caadi ahaa intooda badan  Shacabka wajiyadoooda waxaa ka  muuqata  tiiiraanyaddii iyo muragadii weyneyd ee uu reebey Qaraxii weynaa ee 14kii October ee sanadkii hore maanta oo kale ka dhacey Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Wadooyinka soo gala isgooyska Soobe ee Muqdisho ayaa xiran saaka, Ciidanka ammaanka ayaa sugaya Amnniga wadooyinka kuwaasi oo dadka baaraya si xuska munaasabada ay uga qeybqaataan.

“Socdaal aan goordhow ku soo maray isgooyska Soobe waxa ay indhaheygu qabanayeen boorar lagu soo qorey hal ku dhigyo iyo sawiradii tiiranyada lahaa ee Musiibadii 14-October.” Sidaasi waxaa yiri C/risaaq Sheekh Ibraahim oo ka mid ah Wariyaasha Radio Muqdisho

Geeridii guri walba saameysay, xusuusta maalinta shuhadda, waxa ay ahaayeen hal ku dhigyadda boorarka xuska saaka ee 14ka octobar loogu talagalay.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda aya ka qaybgali doona xuska xasuusta dadkii ku shahiiday musiibadii isgoyska Soobe 14kii octobar 2017.

Sawir Qaade: C/fitaax Jante

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here