Mustaf Dhuxulow: “Wiilkii labaad ayaa lagu guuleystay in indhaha loo fiiqo” (Sawirro)

2800

 

Muddo saddex maalmood kadib markii la fuliyey qalniinka indha fiiqista ee Cabdiraxmaan Jeylaani, waxaa  Indhaha loo fiiqay Maxamed Xasan Jiilaal  oo 12, jir ah kana mid ahaa ardeyda arag la’aanta ahaa ee wax ka barta Dugsiga Al-Basiir, qalniinka waxa sameeyey Isbitaalka Ex Dikfeer ee magaalada Muqdisho.

Shalay  gelinkii dambe ayeey dhakhaatiirtu fuliyeen Indha fiiqista Maxamed Xasan Jiilaal,  maanta ayaan isbitaalka ku booqanay, muddo saacad ka badan ayaana dibedda isbitaalka ku sugnay natiijada laga gaaray qalniinkii la sameeyey.

Markii aan gudaha u galnay qolka uu ku sugnaa Maxamed Xasan Jiilaal, waxaa la joogay abaahihii Xasan Jiilaal, waxaa ka muuqatay farxad, maadaama wiilkaasi Indhaha loo fiiqay, isla markaana uu si buuxda wax u arki karo.

Maxamed Xasan Jiilaal oo ah wiilka indhaha loo fiiqay ayaan si tijaabo ahaan u weydiiyey bal wax uu arki karo ee  hortiisa ka muuqda, su’aal walba oo aan weydiiyeyna si sax ah ayuu iigu jawaabay, taas oo ka dhigan in si  buuxda uu wax walba u arki karo, laakiin waxa uu u yiri “Mustaqbalka waxaan jeclahay in aan noqdo dhakhtar xagga Indhaha ah,  si aan wax ugu qabto dadka aragga la’aanta.

Aabaha Maxamed Xasan ayaan weydiiyey  in Maxamed uu Indha la’aanta ku dhashay, basle waxa uu ii sheegay in isaga oo intan ka da’yar lagu arkay arrintaan, sheekadisa ayaa u dhacdey sidan

“Laba Sanno iyo bar markuu jiray ayaa lagu arkay arrintaan, insha’allahu tacaalaa, waa meel baadiyo ah oo aan dhaqaatiirna joogin, ka bacdi indhihi wax cad ayaa soo koray, waa la qu’raan saaray , meel yar ayaa soo noqotay, hadda waxaan rajeynayaa in aan wax baro oo anigana aan ku baxdo, dadkii gacanta ka geystay waan u duceynayaa, ajir iyo xasanaad ALLAHA siiyo”. Ayuu yiri Maxamed.

Maamullaha Dugsiga ardeyda arag la’aanta ah ee Al-Basiir Abiikar Xuseen Bashiir  ayaa ugu baaqay shacbiga Soomaaliyeed in ay qeyb-galaan u gargaaridda dadka walaalahooda ah ee dhibaateysan.

“Runtii waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa xildhibaanka ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, iyo dadkii asxaabtiisa, ahaa, ALLE miisaanka ha idiin saaro, dadaalkaanna waa mid lawada arki karo, waxaan dhihi lahaa dadka kale iyo masuuliyiinta kale gacan haka geystaan intii baaritaan lagu sameyn karo si ay araggooda u helaan”. Ayuu sheegay maamulaha Iskuulka.

XIldhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ah mudane ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya isla markaana ahaa qofkii u isgaatay in la  fuliyo qalninka Indhaha loogu fiiqay ee lagu sameeyey C/raxmaan Jeylaani iyo Maxamed Xasan, ayaa tilmaamay muhiimadda ay howshaan leedahay.

“Cadiraxmaan Jeylaani Mayee, ayaa indhaha loo fiiqay, hal il ayaa loo fiiqay inkastoo u u baahan yahay in muddo ay qaadato, sidii la rabay weli ma ahan, waxaan rajeynayaa in nuu aragiisa uu dib u helo, waxaa kaloo qalniin lagu sameeyey Maxamed Xasan Jiiilaal oo 12 jir ah, oo 100% lagu guuleystay, rajo wanaagsan ayeey na galisay, waxaa kaloo isagana jira wiil yar oo shan jir an oo la yiraahdo Cabdullaahi Jeylaani Mayee oo la dhashay Cabdiraxmaan Jeylaani oo wax badan laga qabo karo dhowaan ayaa qalniin lagu sameyn doonaa”. Sida waxaa sheegay Xildhibaan Dhuxulow.

Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii uu u sii wadi lahaa caawimadda dadka baahida gaarka ah qaba, dhowaanna uu sameyn doono ololle uu dadka Soomaaliyeed ku gaarsiinayo in ay caawiyaan dadka dhibaateysan gaar ahaan dadka a rag la’aanta ah.

“Wallaahi wax badan maqan wacyigelin ayaan sameeyey oo aah ardeyda Isbitaalka keeno oo aan hubiyo qalniinka, waalidiintoodana aan is baranno, runtii waalidka qaarkooda halkaan ma imaan karaan, dadka Soomaaliyeed waxaan ku dhiiragelinayaa anoo huba in kuwaan kuwa badan la sameeyo in ay dadkaan caawiyaan, waxaan diyaar u ahay in aan sameeyo ololle weyn oo carruurta aragga la’ ku saabsan cawo ay madaxda Qaranka ka soo qeyb-galaan ayaan sameyn doonaa”. Ayuu markale yiri.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa isagana qalniin idhaha fiiqis ah lagu sameyn doonaa Cabdullaahi Jeynaani Mayee oo la shalay Cabdiraxmaan Jeylaani oo horey mid ka mid ah Indhahiisa loo fiiqay, dhaqaataarka ayaa sheegay in Cabdiraxmaan uu u baahan yahay Nafaqeyn dheeri ah si nuurka indhahiisa ay su dhameystirmaan.

vlcsnap-2015-05-19-12h05m26s211

vlcsnap-2015-05-19-12h06m49s9

vlcsnap-2015-05-19-12h05m42s123

vlcsnap-2015-05-19-12h08m40s124

vlcsnap-2015-05-19-12h05m26s211

vlcsnap-2015-05-19-12h07m35s221

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here