Muungaab: “Anaga ayaa soo saari doono tirada rasmiga ah ee ku nool Banaadir”-Sawirro

1
2336

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xusen “Muungaab” oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay  in maamulka gobalka Banaadir uu dhawaan soo saari doono Tirada rasmiga ah dadka ku nool magaalada caasimada ah ee Muqdisho isagoo tira koobka dhawaan la soo saaray ku tilmaamay mid aan sax ahayn.

Mudane Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay tiro hor leh ku sii kordheyso dadka ku nool gobolka Banaadir.

“Shacabka rasmiga ah ee ku nool waa labo milyan iyo lix boqol ayu ahaa sanad ka hor tiradana wey sii korartay marka waxaan kuu sheegai tira koobka rasmiga ah kama dambeysta anagaa soo saari doono tirada rasmiga”. sida waxaa sheegay gudoomiye Muungaab.

Dhinaca kale  dhul banaan oo loogu talagalay in laga hirgaliyo  suuq cusub oo ay ku ganacsadaan dadka danta yar  ee ku nool degmada Yaaqshiid gaar ahaan waaxda Towfiiq ayaa maanta waxaa dhagax dhigay gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xusen “Muungaab” iyadoo goobta la dhagax dhiga uu goob joog ka ahaa gudoomiyaha degmada Yaaqshid Cismaan Maxamuud Cadaawe iyo ururada bulshada.

Dhagax dhiga kadib waxaa warfidiyeenada la hadlay gudoomiyaha degmada Yaaqshid Cismaan Maxamuud Cadaawe waxa uu ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay suuqa cusub uu maamulka degamada ka hirgalin doono nawaaxiga suuqa Towfiiq ee degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

“Insha’allahu Tacaala waxaa laga dhisi doona  labo  boqol iyo sagaashan iyo afar Dabakaqyo oo ka sameysan  jiingadda nooca loo yaqaano bacweynaha” ayuu yiri Cadaawe.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa ku amray maamulka degmada in si cadaalad ah dadka danta’yar ah  ugu qey biyo suuqa cusub ee dhawaan laga hirgelin doono.

“Dadkana waxaa lagama maarmaan ah inaad cadaalad  wax ugu qeybisaan maamulka  hadaad tihiin dadweynaha deegaankan degan oo suuqan ku ganacsan jiray in si cadaalad ah  oo wax loogu qeybiyo” .waxaa sidaa sheegay Muungaab.

Maamulka gobalka Banaadir oo kaashanaya maamulada degmooyinka gobalka Banaadir ayaa mudooyinki dambe waday qor shayaal lagu dhiirigalinnaayo ganacsatada yar yar  ee  dhaq dhaqaayada ganacsi ka wada magaalada Muqdisho.

IMG_3052_1 IMG_3059  IMG_3062   IMG_3083 IMG_3085     IMG_3122

W/D: Nuur Saciid

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. muungaab aad ayaad u mahadsantahay dadka qaarkood ma fahansana reer koraad qa,inimadooda ; waxay faafiyeen hargeyso iyo burco oo 1955 ahaayeen ceelal ay xoolaha ka cabaan in ay ku noolyihiin 2malyan iyo bar dada waa sheeko xariiro meel aan baad iyo beer lahayn ayaa tiradaas ku nool , waa in la xiro wasaarada arintaas soo gudbisay , radio mogadisho waxaan inka codsanaa in aad ugudbisiin dhambaalkan gudoomiya gobolka banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here