Muungaab oo Ammaanay Ururada Haweenka Gobolka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa  xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Ururada haweenka 17’ka degmo ee Gobalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa madasha lagu soo bandhigay suugaan ka Hadleysa kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin Nabadda iyo dib u  Dhiska dalka.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir  Jawaahir Baarqab oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in haweenka kunool Muqdisho ay yihiin kuwo jecel Hormarka iyo  Nabadgalyada Caasimadda.

“Haweenka Gobalka Banaadir  waxey dhaxda u xirteen Nabad galyada iyo dib u Dhiska dalka iyagoo aan wax mushaar ah qaadan, qaar kood ayaa geeriyooday  halka kuwo kalana ay Naafoobee, iyagoo u shaqeynaya Qaranka marka waa in il Gaar ah lagu haaya haweenka daryeel kooda iyo tayeen tooda” ayey tiri jawaahir Baarqab.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” waxa uu sheegay in Maamulka Gobalka Banaadir uu il gaar ah ku haayo Baahiyaha ay qabaan haweenka, isagoo dhanka kale ku Ammaanay Doorka muuqda ay ka qaateen Nabada iyo Bilicda Magaalada Muqdisho.

“Maamulka Gobalka Banaadir waxa uu si hoose uu ula socdaa xaaladda Ururada Haweenka ee ka shaqeeya Gobalka , Haweenka Gobalka Banaadir waxey horseed u yihiin Haweenka Gobollada dalka marka waxaa idin ku Ammaanayaa doorka ay Ka qaateen Nabad galyada iyo Horumarka dalka halkiina ka sii wada dadaalka Aad u heysaan Qaranka Soomaaliyeed”

Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadda ayaa door muuqda oo la Taaban karo ka qaatay Horumarada kala Duwan ee Haatan kajira dalka sida Nabadda iyo Dib-udhiska dalka iyagoo sidoo kale horseed u ah Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda Muqdisho.

IMG_9565 IMG_9567 IMG_9577 IMG_9589 IMG_9603 IMG_9607 IMG_9611 IMG_9640 IMG_9646 IMG_9671 IMG_9673 IMG_9695 IMG_9721 IMG_9732 IMG_9751

 

Sawir:-Qaade Nuur Saciid Tahliil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here