Muungaab oo dhul sharci daro loo heystay u soo celiyay Misjidka Sheekh Cali Suufi”SAWIRRO”

0
6744

Kadib markii ay cabasho ku aadan la soo yeertay maamulka Masjidka Sheekh Cali Suufi oo ku yaala degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo ku aadan dhul uu milkiyadiisa leeyahay Maskidkaasi ayna si sharci daro ah loo haysto ayaa maanta waxaa dhulkaasi booqday Duqa magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”.

Muungaab Duqa Muqdisho ayaa maamulka Masjidka dhageystay cabashadooda waxaana ugu dambeyntii go’aamiyay in dhulkaasi lagu wareejiyo Masjidka.

Gudoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale qaar kamid ah Jameecada Masjidka oo goobta ku sugnaa u sheegay in dhulka wixii maanta ka dambeeya la siiyay Masjidka isla markaana ka maamul ahaan uu qeyb ka qaadan doona dhismihiisa.

_MG_6905 _MG_6915 _MG_6919 _MG_6921

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here