MUUQAALKII MUQDISHO MEEL HA LA SAARO” Warbixin iyo Sawirro”

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo in ka badan labaatan sano marti u ahayd Guluf Colaadeed ayaa haatan ku naalooneysa jawi deggan iyo nasteexo, laakiin saameyntii ka dhalatay dagaalladaasi waxay ilaa iyo hadda ka muuqataa meelo badan, halka meelaha qaarkood si tartiib tartiib ah dib u dhis loogu sameeyey.

Lama dafiri karo dadaallada aan xowliga badan ku soconin ee ay Ganacsatada iyo dadka kale ee Qurba Joogta ah kusoo kordhiyeen caasimadda muuqaallada cusub iyo dhismooyin casri ah, waxaad arkeysaa daaro ganacsi oo naqshado cusub leh, beero lagu nasto oo ay inta badan ku kulmaan dhallinyarada, carruurta iyo hooyooyinka, garoomo casri ah oo lagu cayaaro kubadda iyo maqaayado ku teedsan xeebaha oo loo dalxiis tagayo.

Waa tallaabooyin niyadsami leh oo rajooyinka bulshada kor u qaadaya, balse waxaa muuqata in weli la tabayo wax badan oo halbowle u ah dib u dhiska magaalada Muqdisho.

Warbixintan inaan qoro waxaa igu dhaliyey markaan jawaab u waayey sababta in ka badan labaatan sano Dib u dhis loogu sameyn la’ yayay dhismooyinka ku yaalla faras magaalaha caasimadda, gaar ahaan Waddada ballaaran ee ku taalla Taalada Daljirka Dahsoon ilaa Km 0.

Dhowr iyo labaatan sano ka hor halkaas waxay ahayd goobta ugu  shidan caasimadda uguna mashquulka badan, balse hadda ganacsi badan kama jiro maalinkii, habeenkiina wayba dansan tahay.

Muuqaalka kuu soo baxaya muxuu noqon karaa kaliyah haddii dib u dhis lagu sameeyo dhismooyinka dowladeed ee ku yaalla halkaasi, sida xaruntii hore ee Barlamaanka, Hotelkii Shabeelle, Xaruntii Wasaaradda Caafimaadka, Xaruntii Wakaaladda Badbaadada Shaqaalaha (Sukurisiyone) iyo xarumaha kale ee ku yaalla nawaaxiga Km0 oo ay ka mi tahay Hotelkii Jubba?.

Sow lama dhihi karo waxay dowr ka qaadaneysaa Quruxda Caasimadda. Fiiri sawirkan laga qaaday beri-samaadkii agagaarka xaruntii hore ee Barlamaanka iyo sawirka maanta siduu yahay. Sababta aan Waddadan u carab-dhabay ayaa ah in ay maanta halbowle u tahay ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka iyo weliba nilicda magaalada.

Waxaa haboon ugu yaraan hay’adaha dowladda in ay ku hoggaamiyaan oo ay ku abaabulaan shacabka mashruucyo ISKAA WAX U QABSO ah  kaasoo la mid ah MASHRUUCII  DALKAAGA DHISO uu horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .

MASHRUUCA DALKAAGA DHISO kuma filna in lagu koobo dib u dhiskii xarunta Aqalka Dowladda Hoose (Ex Fisha Guverno) ee waa in mashruucaas la ballaariyaa loogana faa’iideystaa muhiimadda uu ku fadhiyo magac ahaan.

Dib u dhiska dalka kaliyah uma calaamadeyn karno daaraha burbursan ee waxaan kaloo is xasuusineynaa wax ka qabashada waddooyinka iyaguna burburay ee jidcadaha isku badalay ee ku yaalla caasimadda, Adeegyadii  Waxbarashada  iyo Caafimaadka , kuwaasoo dhammaantood u baahan in dib u dhis lagu sameeyo.

Maamulka gobolka Banaadir oo leh dowrka dib u soo celinta bilicdii magaalada Muqdisho ayaa looga fadhiyaa inuu la yimaado Isbeddel waqti dheer aan qaadan, haddii uu jiro isfaham dhexmara Maamulka gobolka iyo ganacsatada waxaa la rumeysan yahay in ay natiijo hormar leh sameyneyso.

Xukuumadda Federalka qudheeda waa iney dabagal ku sameysaa ballanqaadyadii iyo heshiisyadii ay dowladaha caalamka qaarkood ay Soomaaliya ugu niyad-dhiseen iney ka taageeri doonaan dib u dhiska, taasoo wax badan ay ka soo bixi karaan.

Haddii magaalada Muqdisho loo soo celiyo Muraayadeedii waxaa hubaal ah in guud ahaan magaalooyinka kale ee dalka ay horseed u noqoneyso juhdiga lagu bixiyey caasimadda, mashruucyada halkaan ka hirgalana waxay noqon doonaan kuwa ku dayasho mudan.

W/Q: Maxamed Abuukar Axmed (MA’DA)

muq 4Waddada Km 0muq 2dhismaha waddooyinkadhismooyinka xaafada cusubAqalka Xamarbeerta nabadda37_Amiin-758gv-960x525198_Amiin-497-9-960x525489_Amiin-64mj-960x5251553_SAWIRRO-648j-960x525SAWIRRO-7hxeebta liido

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here