Muwaadiniin ku xiran xabsi ku yaalla dalka Libiya oo codsaday in la soo daayo

In ka badan 100 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku oo ku jira xabsi ku yaalla dalka Libiya ayaa ka cabanaya xaalado nolol xumo oo soo wajahday, waxaana ay codsadeen in loo fidiyo gurmad dhan waliba leh.

Abshir Cabdi Axmed oo ka mid ah muwaadiniinta ku xiran xabsiga, isla markaana ah saxafi Soomaaliyeed oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in uu xabsiga ku jiro muddo ka badan afar bil ah, isla markaana aysan jirin cid maxkamad soo taagtay oo ka wareysatay waxyaabaha loo heysto, waxaana uu dowladda ka codsaday in xabsiga laga sii daayo.

“Xabsi ku yaalla magaalada Libiya ayaa ku jirnaa, wiilal iyo gabdho Soomaali ah ayaan nahay, anaga oo saaran doon ku wajahan Talyaaniga ayaa nalaga soo qabtay xeebaha Libiya, waxaana nalagu heystaa sida aan dalkan ku soo galnay, runtii xabsiga waxaa ka jirta caafimaad darro iyo jir dil oo ay inoo geysanayaan ciidamada ilaalada ka ah xabsiga, waxaan markale codsaneynaa in dowladda ay u istaagto sidii aan ku heli lahayn xoriyaddeena” ayuu yiri Abshir Cabdi.

Abshir Cabdi ayaa xusay in xabsiga ay ku jiraan muwaadiniin ku xanuunsanaya oo dumar u badan, kuwaasi oo uu tilmaamay inaysan jirin wax gaar gaar caafimaad ah oo u fidinaya dadka xabsiyada dalka Libiya ku xiran.