Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

1759

Iyadoo Mushkilada Soomaaliya ka taagan ay sal u tahay is riixriixa Qabaailka ayaa Muxaadaro ku saabsan Qabyaalada iyo Islaamka waxa uu ka qabo, Waxaa Masjidka Ramaada Ee Magaalada Galkacyo ku qabtay Sh.Muxamed Macalin Axmed
Muxaadarada ayaa Shiikhu waxaa uu ku faahfaahiyay Qodobada kala ah :
1-Qeexida Qabyaalada: Qabyaaladu waa inaad la jirtid Qabiilkaaga gar iyo gardaraba, Miisaanka aad Dadka ku fiirinaysidna uu noqdo Qabiilka Sharaf iyo la’aanteed intaba.
2-Tilmaamaha Qabyaaladii Islaamka ka hor: Gaaladii Carabeed ee lagasoo saaray Nabi Muxamed waxay ahaayeen kuwo ay aad ugu dheertay Qabyaaladu Tilmaameheedana waxaa kamida:
B.Xadgudubka (Dulmiga) T.Faanka (anaa reeb Hebel ah) J.Aano Qabiil, X.Inay u kacaan Qof walba oo Qabiilka kamida oo ugu yeera Dagaal ,iyaga oo aan fiirin ma saxan yahay mise ma saxna.
Shiikhu waxa uu soo qaatay Gabayo Cadaynaya Tilmaamahaas waxaana kamid ahaa:
3-Islaamka iyo waxa uu ka qabo Qabyaalada ama Meesha uu ka joogo: Islaamka waxaa uu diiday in Qabiilka la iskugu faano ama isaga dartii la isku dulmiyo ama Dadka lagusoo kala dhawayto waxaana uu dajiyo Qaacidooyin ay kamid yihiin:
B.Waxaa idinkugu sharaf badan kan Alle ka cabsada.قال تعالى: (إن أكرمكم عند الله أتقاكم)
T.Dadka Iimaanka leh waa Walaalo dhib iyo dheefba wadaaga.وقال جل وعلا: (إن المؤمنون إخوة).
J.Xariga ilaahay wada qabsada oo isagu ha idin kulmiyo.وقال سبحانه: (واعتصمو بحبل الله جميعا ولاتفرقوا)
X.Wanaaga isku kaalmaysta oo Xumaan ha isugu kaalmaynina. وقال عز وجل: (وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان)
Muxaadaradaani ayaa waxaa ay qab ka tahay Muxaadarooyin dhawr ah oo Maalmahaan ay ka soo jeedinayaan Wafdi Culimo ah oo jooga Magaalada Gaalkacyo uuna hor kacayo Sh.Maxamed Macalin Axmed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here