Nabadoon Maxamed Xaashi oo lagu dilay Beladxaawo

Koox hubeysan oo aan Lagaraneyn ayaa Degmada Baladxaawa caawa fiidkii waxa ay ku dileen Nabadoon Maxamed Xaashi Diiriye xili uu Salaadda cishaha ku soo Tukaday mid ka mid ah Masaajidda kuyaala magaalada.

Laamaha amniga Degmada ayaa wada baaritaanno la xiriira Dilka nabadoonka, kuwaasi oo goobta falka dilka ah ka dhacay soo gaaray.

Allaha u naxariisto Nabadoonka ayaa ka mid ahaa odoyaasha dhaqanka ee caanka ka ah Degmada iyo guud ahaan Gobolka Gedo, waxaana uu ka soo qeyb qaatay Nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here