Nadwadii Bosaaso ka socotay oo lasoo gabagabeeyay “Sawirro”

1041

Waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay  magaalada Boosaaso Nadwadii 13 aad ee ka sOcotay magaaladaasi.

Ugu horrayn waxa ka hadaly madasha guddoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Sheekh Maxamad Cabdulaahi, wuxuuna xusay nadwada xilligii lasoo bilaabay iyo sida magaca nadwada  sannadkan loogu doortay, inta kadib guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guud ahaan casharrada nadwadan ka baxay ay ahaayeen 41 cashar oo goobo kala duwan laga jeedashay, sidoo kale wuxuu u mahad celiayay golayaashii kala duwanaa ee ka shaqaynayay qabanqaabada nadwada iyo dadkii ammaanka ilaalinayay.

Intaa ka dib waxaa hadalka qaatay Sheekh Daahir Aw Cabdi, waxa uuna sheegay in  cimrigu uu dhammaanayo sida ay nadwadani u dhammatay, waxa uuna inta ku daray in ajjashu ay dhowdahay sida alle qur’aankiisa ku sheegay, waxa uuna tusaale usoo qaatay hadalkii odayadii Soomaaliyeed ee ahaa “Maanta waa adduun berrina waa Aakharo”

intaa Sheekhu waxa uu ku daray in nadwadan lagu soo beegay xilli ku habboon, waxa uuna xusay Sheekhu in salafkii ummadani ay bidcada kula dagaallameen labo shay oo ahaa in la cadeeyo xaqa iyo dadka xujada lagu oogo.

Sheekhu waxa uu u dardaarmay umadda Soomaaliyeed inay la dagaalamaan bidcada, waxaa uuna kusoo kooobay hadalkiisii dardaaran uu usoo jeediyay dadwaynaha Soomaaliyeed ee ehlu qiblaha ah inay dacwadaan u guntadaan sida ugu fiican.

Sheekh Axmed Cabdisamad oo isna madasha ka hadlay ayaa  sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka eed sheegan jireen dad ku xukumay gaalnimo oo sidaa ku laayay, ee bal ka warama kuwa Asxaabta iyo Xaasaskii Nabiga NNKH gaalaysiinaya oo intii raacaydana dilaysa.

Intaa kadib Sheekhu wuxuu ku tala bixiyay in masaajidda laga akhriyo oo guryaha lagu akhriyo siiradii nabiga NNKH iyo fadligii Xaasaskii Nabiga NNKH iyo Asxaabtiisii Alla haka raali noqodee.

Waxaa inta xigay Sheekh Maxamed Xuseen Cali (Maxammed Deeq) oo ah Gudoomiye ku xigeenka Mu’asasada Al-Karam ee Dacwada iyo Hormarinta ee ka shaqaysa gobollada Waqooyiga Soomaaliya ee loo yaqaan Somaliland, sheekhu waxaa uu sheegay in arrintani ay qayb ka tahay isku xirnaanta iyo walalnimada ay ka kororsadeen intii ay halkan joogeen khibrado badan oo dacwadeed.

Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Maxammed Caydiid ayaa asna kalimad ka jeediyay, waxa uuna aad ugu mahad celinayaa culimadii u guntatay inay nadwadu qabsoonto.

Waxa kale oo sheegay in dhibaatada maanta haysata dadka suniyiinta inay sabab utahay kala daadsananta dhexdooda ka jirta waxana alle uu uga baryay inuu kalmadooda mideeyo.

20150420_193903 20150420_195023 20150420_195134 20150420_195140 20150420_195210 IMG_3741 IMG_3744 IMG_3745 IMG_3746 IMG_3747

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here