Nikolas kay oo cambaareeyay weerarkii loo geystay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed

0
1009

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliaya Nikolas kay, ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday labo xildhibaan oo Soomaaliyeed iyo wadihii gaarigooda, wuxuuna ku soo celiyay sida ay Qaramada Midoobay uga go’antahay  sii wadidda  la shaqaynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed.

Mudane Yusuf Mohamud Dirir iyo shufeerkiisiiba waxaa  lagu dilay weerar lagu  qaaday shalay ayaga oo maraya wadada. Sidoo kale, waxaa lagu dhaawacay weerarka Mudane Cabdalla Boos Axmed. Waxaana weerarka sheegtay Al-shabaab.

“Dilka ladilay Mudane Yusuf Maxamed Dirir waa fal argagaxisinimo oo aad u fool xun, “ ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah. Dilka la dilay  mudanaha Baarlamaanka wuxuu u dhiganyahy fal la doonayo in lagu  handado waxna loogu dhimo dadka doonaya  in ay Soomaaliya u dhisaan mustaqbal fiican. Dadkii dilay xildhibaanka ma gaarayaan u jeedadaas.”

“Waxaan u rajaynayaa Cabdalla Boos in uu si dhakhso leh u soo biskoodo, sidoo kalena waxaan ku amaanayaa dhamaan xildhibaanada Soomaaliyeed geesinimada ay muujiyeen iyo sida ay uga go’antahay inay sii wataan hawshooda inkasta oo weerar joogto ah lagu hayo. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay sii waddo taageerada ay siinaysoo shaqada muhiimka ah ee uu hayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed” ayuu yiri ergeyga gaarka ah.

Ergeyga gaarka ah wuxuu tacsi kal iyo laab ah u diray qoysaska iyo saaxiibada dadki ku waxyeeloobay weerarkaas, iyo xubnaha Baarlamaanka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here