Safarkii aan kusoo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan kusoo arkay!

1230

Nin aan dhul marin dhaayo malaha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan kusoo wareegay shanta qaaradood ee caalamka, waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana lasoo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka, waana sababta aan u jecleystay in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan safarkeyga kusoo arkay.

Waxaan ka baxay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markaad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaallo-sokeeye, ayna saddex bilood gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican oo samatabixiya.
Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheegtay, Nabi Muuse oo uga digaya, iyo hardankii adkaa ee dhexmaray, waxayna kuu tusaaleyneysaa masiirka Diktaytar kaste oo u awood sheegta shacabkiisa, iskuna taago Allihii abuuray.

Waxaan tegay magaalada barakeysan ee Makah. Muuqaalkeedii iigu cajiibsanaa wuxuu ahaa maalinkii carafo. Dhowr milyan oo xujeey ah ayaa Buurta isugu timid. Gacmaha ayay isdhaafsanayeen iyagoo isi salaamaya, waxaana ka muuqday isjaceyl walaaltinnimo. Ma kala garan kartid jinsiyadahooda oo waxay ku wada labisanyihiin dhar cadcad, waxayna ku wada hadlayaan carabi jajab ah, mid kastena wuxuu dareemayaa in uu Alle toos ugu xiranyahay oo uu ka mid yahay martidiisa.
Waxaan tegay magaalada Istanbuul oo aheed saldhigga boqortooyaddii Cusmaaniyiinta ahna halka ay iska galaan xadaaradda galbeedka iyo tan bariga, waxaana booqday goobo taariikhi ah sida qasrigii dowladdii Cusmaaniyiinta, Hagia Sophia iyo Masjidka Suldaan Axmad.

Waxaan u dalxiisay magaalada taariikhiga ah ee Qarnaadah oo aheed caasimadda boqortooyadii Andalus iyo magaalada Ishbiiliya oo aheed Taajkii boqortooyada, labada magaalo hadda waa la asal-dooriyay, balse markaad dhex mareyso waxaad xusuus kula noolaaneysaa Boqortooyadii Andalus, sababihii burburiyay iyo waaqica qaraar ee muslimiintu ka dhaxleen burburkeeda.

Waxaan tegay magaalada Paris oo saldhig u ah xadaaradda Faransiiska. Sirta ka dambeyso quruxda magaalada waa waddada Avenue-des Champs-Elysees oo ah waddo lagu qurxiyay nalal cajiib ah, ayna ku teedsanyihiin geedo qurux badan, dukaammo, hoteello iyo maqaayado caalami ah. Intii aan joogay Faransiiska waxaan u dalaxiisay Jasiiradda Mont-Saint-Michel oo ay ku taallo Buur ka mid ah kuwa ugu quruxsan caalamka. Jasiiraddaan oo xeebta ka fog hal Kiiloowmitir waxaa ku nool 44 qof kaliya, waxaysa sanad kaste marti-gelisaa saddex milyan oo dalxiiseyaal ah.

Waxaan tegay magaalada Fiyeena ee dalka Austria oo hooyo u ah aqoonyahanno, qorayaal iyo abwaanada ugu miizaanka badan taariikhda Yurub. Intii aan joogay Fiyeena waxan booqday guriga ay Fiyeena ka deganeed Amiina Al-Muftii oo aheed Basaasaddii carbeed ee sirdoonka Yuhuudda ugu caansaneyd.

Waxan tegay Denmark, waxaana galay maktabadda Dokk1 ee magaalada Aarhus oo ah maktabad dadweyne oo ay yaallaan in ka badan 220,000 oo buug. Maktabadda waxaa xiiso gooni ah usii yeelaya in ay qarka u saarantahay wabiga Aarhus. Waxaa taas iiga cajiibsaned maktabad Aadane ah(Human Library) oo ku taallay maagalada Copenhagen, halkudhiggeeduna ahaa “Buug ha aqrisan, ee qof aqriso” waxaana dhoobnaa dad khubaro ah oo wax u sharxaya dad u yimid in ay iyaga aqristaan.

Waxaan booqday magaalada Tromso ee dalka Norway. Xilliga xagaaga oo aan ku beegmay magaalada qorraxdu kama dhicin laba bilood oo xiriir ah, waxayna muslimiintu su’aalo iska weydiinayeen sidii ay u Soomayaan. Intii aan joogay Norway waxaan ku indha-doogsaday iftiinka Aurora oo ah iftiin dabiici ah oo uu cirku yeelanayo isku dhafka midabbo qurux badan oo isugu jira Cagaar, Madoow, Dahabi, Jaalle, Basali, Gaduud iyo Buluug.

Safarkeyga waxaan tegay magaalada London, waxaana booqday madxafyada caanka ah, Tower of London, Tower Bridge, London Eye, qasriga Buckingham, Beeraha dalxiiska, iyo saacadda Big Ben oo summad u ah Waqtiga Adduunka. Intii aan Ingiriiska joogay waxaan galay maktabadda Birmingham. Waa maktabad mucjiso ah, qaab-dhismeedkeeda gudaha ah ayaadba ku mashquuleysaa inta aadan gaarin 400,000 oo buugaag ah oo maktabadda taallo.

Meelihii ugu quruxda badnaa ee aan tegay waxaa ka mid ah maagalada Sydney ee dalka Australia, oo ah xarun ganacsi, dhaqaalo iyo ilbaxnimo. Magaalada waxaa ku hareereysan Wabiyo, beeraha qaranka, beerta Cinabka, Matxafka qaranka ee Badda, iyo xeebta Bondi ee leh carro quruxsan oo leh midab dahabi ah.
Socdaalkeyga waxaan ku tegay magaalada Kuala-Lumpur ee dalka Malaysiya. Waa caasimad faqri aheed oo isu bedeshay magaalo warshadeed leh suuqyo casri ah iyo dhismooyin dhaadheer ay ugu horreeyaan Petronas Twin Towers am KLCC, oo ah dhismoyaal mataano ah oo ku yaalla faras-magaalaha, uuna kiiba ka koobanyahay 88-dabaq, waxayna mataanahaani leeyihiin buundo-cireed la isaga kala goosho. Dalxiiskii daarahaan kadib, waxaan kasoo dukaameystay daarta Suria KLCC oo jaar la ah mataanahan, ayna ku yaallaan Matxafyo, shirkado, Supermarketyo iyo Maqaayado caalami ah.

Siddeedii galabnimo ayaan tagay waddada Jalan-Alor oo ay isku ciriiriniyaan macaamiil halkaas u timid in ay ka cunteeyaan maqaayado ku teedsan waddada oo iibiya cuntooyinka badda ee ugu caansan Aasiya. Galabkaas waxaan cagta soo mariyay Beera Ubaxyada, Beerta Xayawaanadda iyo Beerta Balambaalista, waxaana dalxiiskeygii Kuala Lampur kusoo afjaray Beerta Shimbiraha oo ay ku noolyihiin boqolaal nuuc oo shimbiro ah.

Maalinkii xigtay ayaan safar dhulka ah ku galay Singabuur oo ah magaalo cajiib ah. Intii aan Singabuur joogay wuxuu qalbigeygu ka maseyrsanaa in Soomaaliya iyo Singabuur oo iyagoo faqri ah xuriyadda kala qaatay 1960 iyo 1960 ay maanta Soomaaliya ku jirto caalamka saddexaad, halka ay Singabuur hogaamineyso caalamka horumaray, ayna tahay xarunta saddexaad ee dhaqaalaha Adduunka. Caqligeyguna wuxuu isweydiinayay sababta Sangabuur oo nus qarni ka hor aheed magaalo qashin-qub ah ay xowligaan ugu horumartay, waxaanse xusuustay in Singabuur maanta loo yaqaanno “magaalada ganaaxa”, oo ciqaab la dul dhigayo qof kaste oo dhaqan-xumo ku kaca, oo xitaa qofkii xanjo lagu arko waxaa lagu ganaaxayaa $5,500 ama xasbi hal sano ah, maadaama ay xanjadu wax u dhibeyso bilicda magaalada. Digniinnada ganaaxa ah ee meel kaste ku dheggan waxay kuu sheegayaan in quruxda Sangabuur aan baryo lagu keenin, aysa ka dhalatay sharci loo simanyahay oo helay awood dhaqan-gelisa; iyo maal-gashi lagu sameeyay maskaxda muwaadiniinta.

Waxaan tegay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, waxaan booqday meelaha taariikhiga ah sida derbiga weyn ee sumadda u ah shiinaha. Waxaan booqday waddada Nanjing ee magaalda Shanghai oo ah waddada ugu dheer caalamka ee laga dukaameysto, ayna xarumo ku leeyihiin dukaammada, hoteellada iyo maqaayadaha Shiinaha iyo Aasiyaba ugu caansan, ayna maalinkii soo booqdaan ku dhowaad hal milyan oo qof. Intii aan Shiinaha joogay waxaan galay Maktabadda Zhangshuge ee magaalada Yangzhou. Waa maktabad cajiib ah oo Reflectionka kasoo laabanayo buugaagta ee dhulka ku dhacayo uu kuu sawirayo in aad ku dhex lugeyneyso webi buugaag ah.

Socdaalkeygii Kooriyada-waqooyi dalxiis ma aheyn ee wuxuu ahaa booqasho aan ugu tegay dad ku jira xasbi dowladed. Shacabkaasi waxay dulmaneyaal u yihiin nidaamka diktaytarka ah ee Kim Jong-un. Muwaadinku dalka kama bixi karo amar la’aan, Taleefan dibadda kama wici karo mana lagasoo wici karo, Kumbiyuutarna ma iibsan karo isaga oo aan ogolaansho ka helin Boliiska. Shacabka dalkaas oo ku dhow 26-milyan waa ka mamnuuc Internetku, waxaase isticmaalo dad ka yar Kun qof oo ah madaxda dowladda, xitaa shaqaalaha riyadka looma ogola.
Dalkii iigu saameynta badnaa safarketga wuxuu ahaa Jabaan, oo aan kusoo arkay wax badan oo ay igu adagtahay in aan qoraal ku cabbiro. Reer Jabaan waxay cunaan wax kaste, waxayna caabudaan wax walba, lakin aqoonta, akhlaaqda, dadnimada iyo insaaniyadda way uga horeeyaan caalamka kale, oo waxaad maleyneysaa in ay sii marayaan 2050-ka.
Maalin Isniin ah oo ay saacaddu aheed 07:00 aroornimo ayaan diyaarsad uga safaray magaalada Tokyo ee dalka Jabaan, waxaan hawada kusii jirnay 8-saacadood, waxaana 4:30 galabnimo ee maalinkii Axadda ee maalinkaas ka horreeysay ka degnay garoonka magaalada Honolulu ee gobolka Hawai ee dalka Mareykanka!! BAL ISWEYDII SABABTA!!

Safarkeyga kahor, caloosha ayaa i huri jirtay markaan arko carruur guryo la’aan ah oo ku hurdeysa derbiyada Muqdisho, waxaysa dadkaasi caadi ila noqdeen markaan tegay magaalada New-York ee Mareykanka, oo ay ku noolyihiin in ka badan 73,000 oo guryo la’aan ah. New-York waxaa kasii daran magaalada Manila ee caasimadda Filibbiin oo 26% dadka ku nool ay yihiin derbijiif aan guryo laheyn.
Waligeey kuma fikirn in ay jirto meel Muqdisho ka amni xun, waxaanse tegay magaalada Detroit ee dalka mareykanka. Labo kamid ah boqolkii qof ee magaaladaas ku nool waxaa lagula kacay dil, dhac ama kufsi, waxaana caadi ka ah in maalin kaste agtaada lagu dilo tobaneeye qof, waxaase kasii daran magaalada Rio-de-Janeiro ee dalka Braziil oo ay adagtahay in aad bannaanka ulasoo baxdo Moobeelkada.
Intii aan Mareykanka joogay waxaan booqday magaalada Silicon-Valley oo ah xarunta Tiknoolojiyadda caalamka, oo saldhig u ah shirkadaha dunida ku beddelay halabuurkooda Tiknoolajiyadeed sida Microsoft, Apple, Google, Facebook, Twitter iyo boqolaal kale.

Waxaan rajeynayaa in aad igula raaxeysatay safarkaan oo aanan ku xusin meelo badan oo tegay, oo ay kamid tahay Buundada Capilano ee dalka Canada oo ah halka aan taaganahay sawirka hoose, loona yaqaanno Buundada iloowshaha, maadaama ay ku hilmaamsiineyso wax kaste oo aad xusuusneyd. Gunaanadkii, waxaa ii dhiman in aan kuu sheego in aanan waligeey dibadda u safrin oo aanan ka bixin Soomaaliya, waayo waxaan heystaa Baasaboor Soomaali ah oo aanan ku mari karin qaar kamid ah Wadamada caalamka, waxaanse heystaa Buug iyo Internet oo ah Baasaboor caalami ah oo aan aqoonsaneyn xuduudaha, safaaraduhuna aysan diidi karin, una baahneyn in Fiiso la iigu dhufto, aana ku mari karo.

Waxaa qoray: Xuseen Sabriye
Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here