Nin Hubeysan oo Dad ku laayay Caabudwaaq

3490

Saddex Qof ayaa ku geeriyootay 15 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray, markii uu Nin Hubeysan Rasaas ku furay Dad loo qaybninayay raashiin afur ah gudaha Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegayaa inuu goobta ka baxsaday, lamana oga ujeeddada ka dambeysay inuu Ninkani Tacshiirad huwiyo Dadkan Rayidka ah.

Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dadkii falkaasi ku dhaawacmay loola cararay goobaha Caafimaadka, laamaha ammaankuna ay ku raadjoogaan baadi goobka Ninkii toogashada geystay.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here