Nin Soomaali ah Oo Ku Dilay Norway Xaaskiisa Oo 6 Caruur Ah U Heysay

3317

Ninkani Soomaali ayaa Xaaskiisa ku dilay Magaal yar oo ku taala Dalka Norway,waxaana la sheegay in Ninkaasi uu ku dilay xaaskiisa oo u heysay 6 caruur ah midi taasi oo la yaab ay ku noqotay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi oo hadal heynta ugu badan ay u noqotay dhacdadaasi.

Allaha u naxariistee Hooyadaasi a dilay ayaa ayaa da’deedu la sheegay in ay eheyd 39 jir oo 6 caruur ah u dhashay ninkaasi oo gacantiisa ku dilay, waxaana markii uu dilay kaddib xaaskiisa uu tagay saldhiga Boliiska uu u sheegay in xaaskiisa uu dilay islamarkaana uu u baahan yahay in xabsiga la galiyo, waxaana markii Boliisku ay tageen guriga u cadaatay in uu dilay haweeneydaasi.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Ee Yurub C/raxmaan Xudeyfi ayaa soo sheegaya in aysan Ogeyn Sababta Ninkaan Soomaaliga ah uu Xaaskiisa Midida ugu dilay,waxaana uu intaa Raaciyay in Ninka Dilka geeysatay uu Saldhiga Ciidamada Norway ay leeyihiin uu is geeyay.

Dadka Soomaaliyeed ee jooga Norway ayaa walaac ka muujiyay arinkani, iyadoo dhacdadani xanuun badan ay ku tahay caruurta hooyadaasi allaha u naxariisto ee la dilay.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here