Nuxurka Bayaankii Guddoomiye Jawaari Ee Mooshinka Madaxweynaha: FAALLO

HOR-DHAC.
Qormadan, waxaan ku soo koobi doonaa nuxurka bayaankii guddoomiyaha baarlamaanka ka soo baxay ee uu uga hadlay waddooyinka lagu xallin karo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ee ay keeneen xildhibaanada qaarkood, maaddaama aysan dhisnayn maxkamadda Dastuuriga ah oo sharci ahaan qaadi karta dacwaddan. Bayaanku wuxuu caddeynayaa xal sharci ah iyo mid SULUX ah laakin aanan sharciga khilaafsanayn oo loo mari karo dhammaynta kiiskan.

Mudaneyaasha baarlamaanka iyo madaxda dowladda gaar ahaan xukuumadda iyo madaxtooyadu, maalmihii la soo dhaafay waxay hadal hayeen sharci ahaanshaha soo jeedinta “Gabood-falidda” madaxweynaha ee ay qaar ka mid ah xildhbaanadu u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka.

Sababta doodda keentay ayaa ahayd, hay’adihii qaran ee kiiskan gali lahaa oo qaarkood aysan dhisnayn iyo aragti ahayd in aysan habb‫خoneyn in waqti lagu lumiyo khilaaf siyaasadeed ayadoo dowladda dhanba sanad u dhimman yahay.

Qoraalkii ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka ee lagu lifaaqay dhowrka warqadood, ayaa caddeeyay laba waddo oo midna sharci tahay halka jidka kalena uu wada-hadal yahay oo lagu xallin karo mooshinkaan, maaddaama aysan dhisnayn maxkamaddii dastuuriga oo lahaan lahayd awoodda qaadista dacwad ka dhan ah madaxweynaha.

Sida uu guddoomiyuhu ku caddeeyay qoraalkiisa, xalka koowaad ayaa ah in laanta fulinta (Xukuumadda iyo madaxtooyada) iyo baarlamaanka ay wada hadal galaan, si loo xalliyo arrinkan, madaxweynuhu wuu aqbalay wada-xaajiidkan, halka xildhibaanada mooshinka keenay la siiyay muddo saddex maalin ah oo ku eg 7da bishan si ay u aqbalaan ama u diidaan gogoshan. Wada-xaajoodkaas waxa ka soo baxa ayaa la horgeyn doonaa golaha baarlamaanka si loo dhaqan galiyo.

Xalka labaad ee arrintaan laga gaari karo ayaa ah mid ku imaanaya waddo dheer oo sharci ah, sida uu sheegay guddoomiyuhu, waxaa lagama maarmaan ah in la helo maxkamad dastuuri ah oo gasha kiiskan sida uu qabo dastuurka KMG ahi, taas oo aan hadda dhisnayn, kiiskan in loo diro maxkamaddan (haddiiba la helo) waxay u baahan tahay in cod ay galiyaan baarlamaanku oo ay isku raacaan, haddii kale mooshinku wuu burayaa hadduu cod waayo.

Maxkamad Dastuuri ah.

Lifaaqa guddoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu caddeeyay in la jirsiin karo maxkamad Dastuuri ah si loogu gudbiyo dacwaddan, ayadoo loo beddelayo maxkamadda sare mid dastuuri ah.  Tallaabdan waxaa loo cuskanayaa qodobka 139aad ee Dastuurka KMG ah oo oggolaanaya in sharciyada aan la beddelin ama la laalin ee horay u jiray la isticmaali karo haddii aysan ka hor imaanaynin dastuurka KMG ah, Sidaa darteed waxaa la soo qaadan karaa Xeerkii Garsoorka ee soo baxay sanadkii 12 June,1962dii, oo ay iminkana ku shaqeeyaan maxkadaha dalku.

Ayadoo sharcigaas la raacayo si maxkamadda Sare loogu beddelo Maxkamadda Dastuuriga ah, waxaa loo baahan yahay sida uu sharcigaasi qabo in laba xubnood oo ay ansixiyeen baarlamaanku lagu kordhiyo xubnaha maxkamadda sare iyo in madaxweynaha laga codsado in laba xubnood uu soo magacaabo kuwaas oo ay soo jeediyeen golaha wasiiradu. Afartaas xubnood ayaa lagu biirinayaa Maxkamadda Sare oo markaas noqon doonta Maxkamadda Dastuuriga ah.

Awoodaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee hannaankaan lagu dhisi doono kama mid aha inay gali karto dacwaddan ka dhanka ah madaxweynaha, waxaa loo baahan doonaa in baarlamaanku ay sharci u siiyaan inay gasho dacwaddan, marka ay gasho ayay soo caddeyn doontaa in eedeymuhu ay sharci yihiin oo uu baarlamaanku gali karo mooshinka iyo in aan sal sharci ah loo haynin oo ay waxba kama jiraan yihiin.

Marka ay maxkamaddani soo caddeyso in mooshinkan sharci loo helay oo uu baarlamaanku gali karo, waxaa loo baahan doonaa saddex meelood meel (1/3) codka baarlamaanka si loo rido madaxweynaha.  Waana waddada kaliya ee sharciga ah ee uu ku meel mari karo mooshinkan muranka badan dhaliyay ee ay xildhibaanada baarlamaanka qaarkood ka gudbiyeen madaxweynaha, qaar kalena ay soo jeedin liddi ku ah u direen isla guddoonka.

Gabagabo.

Bayaanka guddoomiyaha waxaa ku jira rajo ah in xildhibaannada mooshinka wada ay sharci u heli karaan, ayadoo la cuskanayo xeer hore, isla markaana maxkamadda sare loo beddelayo mid Dastuuri ah. Hase yeeshee waxaa rajadaas sii yareyanaya waddada loo marayo oo muddo qaadanaysa iyo aqlabiyadda baarlamaanka ee loo baahanayo si mooshinka maxkamadda la dhisi doono loogu diro ama xataa la ansixiyo xubnaha uu goluhu ku kordhinayo maxkamadda.

Arrinta labaad ee bayaankan ku jirta ayaa ah, in wada hadal lagu dhameeyo arrinta, oo ay madaxtooyada, xukuumadda iyo baarlamaanku ka wada hadlaan sidii qaab SULUX ah oo “sharcigana wafaaqsan” loogu dhamayn lahaa arrinkaan. Kaddibna heshiiskaas la geeyo golaha baarlamaanka si uu dhaqan-gal u noqdo.

Xildhibaannada mooshinka wada, waxaa dhib ugu filan inay maraan waddaadaas dheer ee ay ku meel marin karaan soo jeedintooda, halka kuwa ka soo horjeeda ay door bidayaan wada-hadalka maadaama ay meesha ka baxday dooddoodii ahayd in aan sharci loo heleynin in maxkamad Dastuuri ah la’aanteed la galo dacwad ama soo jeedin ka dhan ah madaxweynaha.

=====
Yusuf Sh Ciise
[email protected]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here