Olalaha la dagaallanka Qaadka oo Muqdisho wali ka socda

1488

Kulan qeyb ka ahaa ololaha joojinta qaadka oo uu wado Abuubakar Cawaalle Qaad-diid ayaa maanta lagu qabtay xarunta jaamacada Jamhuriya ee  magaaladda Muqdisho,waxaana ka qeyb galay maamulka jaamacada, aqoonyahano iyo ardayda Jaamacada wax ka barata iyo marti kale.

Kulanka ayaa looga hadlay dhibaatada Qaadka ayadoo qaar ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacada Jamhuuriya ay ka hadleen dhibaatada qaadka uu leeyahay iyo sida uu bulshada Soomaaliyeed u saameeyay.

Gudoomiyaha ololaha la dagaalanka qaadka Abuubakar Cawaale Qaad-diid ayaa eray bixin u sameey micnaha magaca qaad iyo saameynta xun ee uu bulshada ku yeeshay.

“Kalmada “qaadka” micna ahaan marka aad raadiso waa kor u qaad, waxaas (aad kor u qaadday) kontroolkooda adiga ayaa haayo, iska tuur ama jeebka ku sido waa wax aad adiga gacanta ku heyso waxaan oran karaa ninkii u bixiyay magacaas waa asiibay, Qaadka waxaa uu qaadaa qofka cunaya wuxuu ka ilaaliyaa maalkiisa,hamigiisa ,fir fircoonidiisa,saaxiibadiisa, eheladiisa wax walba oo noloshiisa ah qaadkaas ayaa controola ,taasina anigaa marqaati ka ah: ayuu yiri Abuubar Qaad-diid.

Gudoomiyaha jaamacadda jamhuuriya Maxamuud Axmed Jimcaale ayaa sheegay in ka jaamacaddu ay diyaar u tahay ka qeyb qadashada ololaha  la dagaalanka  qaadka“Waxaan ballan qaadaynaa ka jaamacad ahaan in ay qeyb ka tahay ololaha qaad diid ma nuga raacdeen arinkaa?.

“Ololaha Qaad-diid qeyb ayan ka nahay, Abuubakar iyo saaxibadiisa waan taageersan ahay. Ayuu sii raaciyay Ustaad Maxamuud Axmed.

Ololaha la dagaallanka qaadka ayaa mudooyinka dambe waxa ay si joogta ah ay uga socdeen magaaladda Muqdisho, waxaana ololahan wada guddoomiyaha ololaha la dagaallanka Abuubakar Cawaale qaad-diid oo socdaal ku bixyay qaar ka mid ah gobollada dalka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here