Ololaha la dagaalanka UGUS oo laga sameeyay Boordheere

1080

Iydoo dhawaan Hey’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ay ku dhawaaqday  ololaha la dagaalanka kooxda UGUS isla markaana dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir  ayaa maanta degmada Boondheere waxaa ka bilowday ololahaasi.

Maamulka degmadaasi ayaa diiwaan gelinaayo dadka ku nool xaafadaha kaladuwan ee degmada si loo sugo amaanka isla markaana loo tira koobo qoysaska.

Dadka ayaa waxay   buuxinayeen  dokomintiyo lagu xaqiijinayo degnaanshaha degmada taas oo qeyb ka ah qorshaha lagu  sugida nabadgeliyada magaalada Muqdisho waxaana la arkayay dadweynaha  oo safuuf dhaa dheer ugu jira in ay maran hanaankan cusub oo amniga la xiriira.

Gudoomioyaha maamulka degmada Boondheere Qaasim Cabdule Xasan oo xafiiskiisa ugu waramay warbaahinta qarankla ayaa faah faahin ka bixyay howlahani amaanka lagu sugayo iyo ahmiyada ay u leeyihiin horumarinta nabadgeliyada.

“Run ahaantii sida  aad sheegtay  barnaamijkani  waxaa maalmo ka hor  looga  daah furay  halkani  xaflad lagu daah  furayay  olalaha la dagaalan ee  looga    dabar goynayo  degmooyinka  gobalka Banaadir kaasi oo ay soo  qaban qaabisay  Wasaaradda amniga  gaar ahaan  hey’adda sirdoonka qaranka Soomaaliyeed  NISA  oo halkani uu ka soo qeybgalay taliyaha  hey’addaiyo guddoomiyaha gobalka xafladda furay barnaamijkaasi oo dhamaan ka socan doona  17 ka degmo”. ayuu yiri Qaasim.

“Degmada Boondhaare ahaan door aad u weyn ayaan ku leenahay  maxaa yeelay anaga waxaan aaminsanahay  in waxaan uu yahay cudur cudur dilaa ah  oo dadka maskaxda uga dhaco qofka  beni’aadamka in jirkiisa iska noolaado wax micna  ma sameeyo  hadii uusan masaxkada uusan  ka noolayn marka dadka  maskaxda ayuu uga dhacaa” ayuu markale sheegay gudoomiye Qaasim

Hey’adda  nabad sugida iyo sirdoonka qaranka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa  dadaalo uga  jira sidii   degmooyinka  gobolka looga cirib tiri lahaa  kooxha argagaxisada ah ee UGUS waxaana ololahani uu ka socda dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here