Olole nadaafadeed oo laga sameeyay gudaha wasaaradda warfaafinta-Sawirro

0
2015

Ololahan nadaafadeed oo maanta laga sameeyay gudaha dhismaha wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa looga gol lahaa in laga nadiifiyo qashin badan oo qeybo kamid ah dhismaha wasaaradda yiiley, waxaana la arkayay shaqaale ku howlan howlaha qashin qaadista ah, iyadoo sidoo kale ololahan loo isticmaalayay cagaf cagaf iyo gaadiidka qashinka lagu qaado.

Shaqaalaha nadaafadda ka shaqeynayay ayaa qashinka aad u badan oo isugu jiro burburka dhismooyin aan la dayactirin muddo 20 sano ka badan iyo qashinka ka qodayay meelaha maanta ololahan laga sameeyay.

Ololahan ayaa imaanaya xilli uu dhowaan wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu balan qaaday in Lixda bilood ee soo aadan ay wasaaraddu yeelan doonto waji qurxoon oo ifaya.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay waxaa uu isbedel ku sameeyay wasaaradda iyadoo hadda wasaaradda ay ka socoto dhisme cusub oo lagu soo kordhiyay wasaaradda.

 

IMG_3723 IMG_3727 IMG_3729 IMG_3747 IMG_3754 IMG_3756 IMG_3763 IMG_3843

Sawir Qaade: Qadar Cali Nuur

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here