Olole Nadaafadeed oo laga sameeyay inta u dhexeysa Isgoysyada Dabka iyo KM4 “Sawirro”

1888

Ololahaan nadaafadeed oo ah mid sare loogu qaadayo bilicda caasimadda ayay haween ka kala socda Waaxyada degmooyinka Waaberi iyo Hodan, kuwaasi oo carada iyo qashinka ka qaadayay wadda Maka Al-mukarama, waxaana dadweynihii ku howlanaa Nadaafadda ay nadiifinayeen Waddamada Laamiga ah iyo hareeraha waddooyinka oo ay saameyn ku yeeshen roobabkii ka da’ay Muqdisho, iyadoo howsha Nadaafadda ay ka qeyb qaadanayeen gaadiidka dowladda Hoose.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada ee degmada Hodan Maxamuud Cali Xasan ayaa sheegay in shacabka degmada ay u istaageen sidii ay bilicda sare ugu qaadi lahaayeen.

Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Muumin Maxamed iyo ku-xigeenkiisa oo qeyb ka ahaa ka shaqeynta ololaha Nadaafadda oo dadweynaha ku dhiiri gelinayay sidii loo dar dargelin lahaa bilic soo celinta caasimadda ayaa tilmaamay inay ku dadaalayaan sidii ay u soo celin lahaaeen bilicda waddada Maka Al-mukarama

Kaaliyaha duqa Muqdisho ee xagga arrimaha bulshada Cabdiqaadir Macalin Axmed oo isna kormeerayay howlaha Nadaafadda ee ka socday Waddada Maka Al-mukarama ayaa tilmaamay in uu Maamullada Degmooyinka Hodan iyo Waaberi ugu mahadcelinayo sida ay ugu howlanyihiin xoojinta Ololaha Nadaafadda

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho kulan uu la qaatay degmooyinka ku amray inay ka shaqeeyaan dib u soo celinta bilicda caasimadda, maadaama roobabkii ka da’ay Muqdisho ay saameeyn ku yeesheen gaadiidka iyo dadweynaha.

vlcsnap-2015-04-21-12h28m58s17 vlcsnap-2015-04-21-12h29m45s234 vlcsnap-2015-04-21-12h29m50s22 vlcsnap-2015-04-21-12h30m09s215 vlcsnap-2015-04-21-12h30m50s111 vlcsnap-2015-04-21-12h30m54s153 vlcsnap-2015-04-21-12h31m00s211 vlcsnap-2015-04-21-12h31m06s15 vlcsnap-2015-04-21-12h31m22s176 vlcsnap-2015-04-21-12h31m33s8 vlcsnap-2015-04-21-12h34m07s37 vlcsnap-2015-04-21-12h34m23s195 vlcsnap-2015-04-21-12h35m05s105 vlcsnap-2015-04-21-12h35m40s195 vlcsnap-2015-04-21-12h36m42s48 vlcsnap-2015-04-21-12h37m45s166 vlcsnap-2015-04-21-12h38m03s87 vlcsnap-2015-04-21-12h38m24s46 vlcsnap-2015-04-21-12h41m54s97 vlcsnap-2015-04-21-12h41m58s136 vlcsnap-2015-04-21-12h43m11s97 vlcsnap-2015-04-21-12h43m25s237 vlcsnap-2015-04-21-12h45m00s168 vlcsnap-2015-04-21-12h46m07s71

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here