Olole nadaafadeed oo laga sameeyay qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho

1074

Ololahan lagu hagaajinaayo wadooyinka islamarkaana dib loogu dib loogu soo celinaayo bilicda magaalada Muqdisho ayaa xalay laga sameeyay wadada isku xirta Ex-control Afgooye ilaa Wadada Maka Al mukarama  halkaasi oo laga sameeyay olale carada iyo qashinka looga badiifinaayo wadada.

Kusimaha guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna gudoomiye ku xigeenka siyaasada guddoomiyaha gobolka ayaa kormeeray ololahaasi nadaafadeed sidoo kale waxaa goobta ku sugnaay gudoomiyaasha degmooyinka Hodan iyo Waabari.

Agaasimaha howlaha guud dowlada Hoose ee Xamar  Sheekh Cumar Xuseen Maxamed ayaa ugu horeyn kawar bixiyay ololaha nadaafadeed.

Gudoomiyaha degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim  ayaa sheegay  in ay si wanaagsan u socdaan howlaha dib loogu hagaajinaayo Wadooyinka muhiimka ah ee mara degmada Hodan.

Ku simaha gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada  Maxamed axmed Diiriye ayaa digniin adag u diray dadka sida sharci darada ah laamiyada uga daadiya qashinka iyo wasaqda.

Waxaan u sheegaynaa  una digeynaa dukaamada iyo maqaayadaha caadeystay  inay qashinka inta soo qaadan laamiga dhaxdiisa soo dhigan  gobalka Banaadir waxaa uu sameeyay  bara loogu talagalay qashinka  in la dhigo”, ayuu yiri Diiriye.

Dhinaca kale ku simaha gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa xariga ka jaray suuqa  maana-Booliya oo kamid ah suuqayada taarikhiga ah ee ku yaala degmada Shibis ee gobalka Banaadir kaas oo ku burburay dagaaladii ka dhacay dalka.

Mas’uuliyinta mamaulka gobalka Banaadir iyo kan degmada Shibis ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay suuqasi.

Guddoomiyaha degmada Shibis ee gobolka Banaadir Axmed Muumin Maxamed  ayaa u mahadceliyay dadkii ka qeyb qaatay dib u dayactirka lagu sameeyay suuqaan, isagoo sheegay in arintan ay qeyb ka tahay barnaamijka dalkaaga dhiso oo horey ugu dhawaaqay madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kusimaha gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa maamulka degmada Kula dardaarmay in si cadaalad ah bulshada loogu  qeybiyo suuqasi si dhamaan dadka oo dhan uga faa’ideystaan.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here