Puntland oo soo gabgabeysay doorashadi xubnaha aqalka hoose

Magaalada Garoowe waxaa lagu soo gabagabeeyay doorashada xildhibaanada cusub ee aqalka hoose u metelaya maamulka Puntland kuwaasoo ka kooban 37 xildhibaan.

Maamulka Puntland ayaa noqday kii ugu dambeeyey ee soo dhameystiray doorashada xubnaha aqalka hoose, iyadoo maamul goboleedyada kale ay horey u soo afjareen.

Waxaa lagu wadaa in 15-ka bishan oo maalmo kooban ay inaga xigaan si rasmi ah loogu dhaariyo Muqdisho xildhibaanada baarlamanka Somalia, iyadoo la sugayo doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee gobolada woqooyi oo Muqdisho ka socda, kuwaasoo iyana maalmaha soo socda la soo gebagebeyn doono.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here