Qaahira oo shir uga furmay Wasiirada dibadda Carabta

0
1228

Wasiirada arrimaha dibadda wadamada Carabta ayaa isugu yimid shir deg deg ah oo ay ku baaqdey dawladda Sucuudi Carabiya,balse Wasiirka arrimaha dibadda ee Liibiya ayaa ka baaqsaday shirkaasi sababo aan la shaacin.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga,shirkan Wasiirada arrimaha dibadda wadamada Carabta uga furmay xaruntooda ay ku leeyihiin magaalada Qaahira ee Dalka Masar waxaa looga hadlaya,Faragelinta ay sheegeen in Wadanka Iiran uu ku hayo wadamada Carabta,sidoo kalena Dawlahadaha Carabtu ay meel uga soo jeestaan qadiyadda Iiraan.

Wakaaladdu intaa waxay ku dartey in wadamada isutaga imaaraadka Carabta,baxrayn iyo kuwayd ay ku taageereen dawladda Sucuudi Carabiya qabshada shirkan

Dhanka kale Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtey mas’uul sare oo u Hadley Wadanka Lubnaan,Wasiirka arimaha dibada Lubnaan  Gibran Basil uusan ka soo qayb galayn shirka Wadamada Carabta.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa sii kordhayay xiisada u dhaxaysa Iiran iyo Sucuudi Carabiya taasi oo keeni karta in labada dawladood dhib ka dhex dhaco.

Qadiyadda Lubnaan ayaa kamid ah waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin,waxaana Ra’iisul Wasaarihii Lubnaan Saacad Alxariiri uu 4tii bishan  November Sucudiga kaga dhawaaqay inuu xilkii iska casiley

Mr xariiri ayaa u safray wadanka Faransiiska halkaasi oo uu kula kulmay madaxwaynaha faransiiska Emmanuel Macaron,kulankooda kadibna sheegay inuu ku noqonayo magaalada Bayruut isla halkaana kaga dhawaaqi doono sababta uu isku casilay

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here