Qaar ka mid ah Diblomaasiyiin ka howlgala Safaaradaha Soomaaliya oo Tababar ugu soo idlaaday dalka Turkiga {SAWIRRO}

1655

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay sanadkan tababaridda diblomaasiyiinteeda , taasoo qeyb ka ah sare u qaadida heerkooda aqoonta iyo tayeynta , waxaana maanta tababar loogu soo gaba-gabeeyay Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkey illaa iyo 5 diblomaasi oo ka howlgala qaar ka mid ah Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay dunida daafaheeda.

Diblomaasiyiintani Soomaalida ah ayaa ku tababartay Akadeemiyadda diblomaasiyadda ee Wasaararadda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkey.

Diblomaasiyiintaasi oo soo dhoweyn kala kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ankara , Turkey Ambassador Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman ayaa waxa ay booqasho ku kala tageen goobaha Taariikhiga ah ee ku yaala dalkaasi .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , ayaa waxaa u qorsheysan Sanadkan inay horumariso diblomaasiyiinta Soomaaliya oo heerar kala duwan leh , iyadoo lala kaashanayo dowlado iyo Ururo Caalami ah .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations .
1 2 3 4

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here