Qaban qaabada aaska guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland marxuum Shaafi oo ka socta Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ka socda qaban qaabada aaska guddoomiyihii hore ee rugta ganacsiga Jubbaland marxuum Shaafi Raabi Kaahim oo shalay u geeriyooday qarax argagaxisadu ay ku weerartay dad shacab ah iyo masuuliyiin xilli salaadda Jimco ay kasoo baxeen.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb gelaya Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”iyo masuuliyiin kale oo shalay safar deg deg ah ugu baxay magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan aaska Marxuumka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here