Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha oo ka socota magaalada Cadaado

0
1719

Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo wefdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomalia mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka socota magaalada Cadaado halkaasi oo lagu wado in uu ka furmo dhawaan shirka maamul u sameynta mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Mxamuud ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu magaalada Cadaado ka furo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe, waxaana maalmihii ugu dambeeyay magaalada Cadaado ka soconayay kulamo looga arinsanayay taabba gelinta shirka.

Odayaal dhaqameedyo, ergooyin iyo siyaasiyiin ka kala socda labada gobol ayaa haatan ku sugan magaalada Cadaado kuwaasoo ka qeybgalaya shirka maamul usameynta gobollada dhexe.

Mas’uuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb iyo bulshada Cadaado ayaa ku guuleystay iney diyaariyaan dhamaan adeegyadii iyo tas hiilaadkii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomida shirkaasi, iyagoo amaanka magaaladaasina si weyn u adkeeyay.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here