Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka socoto Dhuusamareeb

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ka socoto qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb.

Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa iminka soo buux dhaafiyay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada, kuwaasi oo sita sawirada Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka socda dhameystirka soo xulidda Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo dhawaan lagu wado inay halkaasi ka qabsoonto doorashada Madaxweynaha Galmudug.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here