Qaban qaabada xafladda caleema saarka madaxweynaha Jubbaland oo ka socota Kismaayo “Dhageyso”

Qaban qaabada xafladda caleema saarka ee madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa saaka ka socota magaalada Kismaayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madax ka socota maamulgoboleedyada dalka ayaa la filayaa iney ka qeybgalaan xafladda caleema saarka madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa la adkeeyay,  iyadoo ciidamo farabadan lagu soo daadiyay waddooyinka magaaladaasi,  kuwaasoo baaritaanno ku sameeynaya qaar ka mid ah gaadiidka ay ka shakiyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here