Qado sharaf loo sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse “SAWIRRO”

2
3359

Imaan Maxamed Yusuf Cali Imaan ayaa maanta kulan qado ah ugu sameeyey Muqdisho Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho, waxaana kulanka qadada uu ahaa mid ku salaysan dhaqan, iyadoo alaabta wax lagu cunayey iyo qaabka loo diyaariyey ay ka muuqatay in la joogo baadiyiihi.

Kulanka qadada waxaa ka qeyb galay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Caaqilo, Nabadoono, Wasiiro, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano, Haween, Ganacsato, Guddoomiyeyaasha Degmooyina gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale

Ugaaska Maxamuud Cali Ugaas oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in, isagoo in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta qado Sharaf balaaran ay ugu sameeyaan Boqor Burhaan Boqor Muuse oo aad looga qadariyo gayiga Soomaaliyeed.

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo goobta ka hadlay ayaa aad ugu mahdiyey sida qadarinta leh ee ay maanta u sooreen duubabka Muqdisho, isagoo sheegay arinkaan inuu muujinayo sida ay dhaqanka u ilaaliyaan.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo goobta ka jeediyey khudbad dheer oo isugu jirtay taariikh hore iyo sidii hada Soomaaliya ay isugu soo dhawaanayso ayaa sheegay iney isaga iyo salaadiinta Soomaaliyeed ay ka balameen sidii midnimada Soomaaliya loo soo celin lahaa.

Boqorka oo ka hadlay safarkii dheeraa uu ku tagay dalka dibadiisa ayaa ku tilmaamay in safarkaas uu qayb ka ahaa sidii Soomaali laysugu keeni lahaa, wuxuuna boqorku sheegay in dadka qurb joogta ah ay yihiin caqligii dalka, kuna booriyey inay dalka dib ugu soo laabtaan.

Imaan Maxamed Yuusuf Imaan Cali oo xaflada soo xiray ayaa si qoto dheer ugu duceeyey dadkii meesha ka soo qayb galay, isagoo sheegay iney tagi doonaan gobolada Soomaalida oo dhan, si uu u muujiyo isu keenidda Soomaalida, wuxuuna Imaanku ilaahay uga baryey shacabka Soomaaliyeed in bogooda burcad isu mariyo, dhanka kale Imaamka ayaa gudoonsiiyey Hadiyado Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse.
IMG_5519 IMG_5528 IMG_5550 IMG_5553 IMG_5555 IMG_5584 IMG_5627 IMG_5630 IMG_5631 IMG_5682 IMG_5692 IMG_5741 IMG_5790 IMG_5809 IMG_5835 IMG_5844 IMG_5943 IMG_5953 IMG_5968 IMG_5989

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. majeerteen beenti ay isku sheegeen oo ahayd carab ayaan nahay oo jabarti ayaan nahay way dhamaatay ,jabartina waa adoon xoolaha yaman ka qala,

  2. majeerteen badankood waa adoon laga keenay sinzibar oo waxaa keenay boqortooyadii ujuuraan ayeey xoolaha iyo dharka iyo beeraha ayeey ka shaqeyn jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here