Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday ciidanka AMISOM

1036

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii maanta ay argagaxisada Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, oo fariisin ku lahaa deegaanka Leego ee ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada askartii naftooda ku waayay weerarkii maanta, shacabka iyo Jamhuuriyadda Burundi, ciidanka AMISOM waxa ay Soomaaliya u joogaan dib u soo celinta xasiloonida iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalka” ayuu yiri Danjire Nicholas Kay.

Mr Kay oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Taageerada aan siineyno shacabka Soomaaliyeed, ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waa mid muqadas ah, waxaan kaloo oo aan aad u taageersanahay howlgalka wada jirka ah ee ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada Al-Shabaab, si dalka loogu soo dabaalo xasilooni iyo nabad waarta”.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here