Qaramada midoobay oo sheegtay inay Carruurta Rohingyaha u baahan yihiin wax barasho asaasi ah

729

Af-hayeen u hadlay QM laanteeda wax barashada ee UNESCO , oo lagu Magacaabo,Alastair Lawson Tancred , ayaa sheegay in Carruurta iyo Dhallinyarada Rohingyaha ee ku jira Xeryaha Qaxootiga DalkaBangaladesh ay u baahan yihiin wax barasho .

In ka badan kala bar Dadka ku jira Xeryahaasi oo lagu qiyaasay 1 Milyan oo Qof ayaa ah Carruur ay da’doodu ka hooseyso 17 jir, halkaas oo waxbarashada ka jirta ay tahay mid xaddidan, waxanay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka walaacsan tahay fursadaha halkaas kaga lumaya Jiilka soo kacaya, sida uu warbaahinta u sheegay Alastair Lawson Tancred, isagoo ku sugan Dalka Bangaladhesh.

Hay’adda daryeelka Carruurta  Qaramada Midoobay ee UNICEF  ayaa wadda qorshe ay fursad waxbarsho ku siineyso Carruurta ay da’doodu u dhaxeyso 9-14 jir ee ku jira xeryaha Qaxootiga Dalka Bangaladhesh.

Tan iyo 25 Augost 2017, ku dhowaad  24,000 Qof oo Muslimiinta Rohingyaha ah ayaa lagu dilay Gobolka Rakhiin ee Dalka Myanmar, sida laga soo xigtay hay’adda Ontario International Development Agency (OIDA).

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here