Qarax geystay qasaare dhimasho iyo dhaawacbo leh oo ka dhacay Garoowe

1
1934

Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal, kaasi oo ay ku geeriyoodeen tiro dad oo isugu jira shaqaalaha hay;adaha UN-ka iyo kuwa kale oo goobta ka ag dhawaa.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Nugaal Awoowe ayaa ku soo waramay in qaraxa uu ahaa gaari nuuca minibus-ka ah ee u shaqeynayay hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaana qaraxa uu ahaa mid ku xiran gaariga, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ku dhawaad ay qaraxa ku geeriyootay todobo ruux oo u badan shaqaalaha UN-ka ee saarnaa gaariga, walina si dhab ah looma oga, inkastoo ay socdaan baaritaanno ay wadaan ciidamada amniga ee Maamulka Puntland.

Dadkii falka qaraxa ku dhaawacmay ayaa qaarkood loola cararay goobaha caafimaadka, waxaana gebi ahaanba la xiray waddooyinka soo gala halka uu qaraxa ka dhacay.

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waxaan tacsi u dirayaa eheladii ay ku geeeriyoodeen qaraabadoodu qaraxaan arxan darada ah iyagana allaha naxariistii jano ka waraabiyo.
    doraad ayeey aheed markii ay xamar ku dilayeen xildhibaan maantana garoowe taasi waxeey qofkastoo soomaali ah u cadeeyneysaa in kooxdaani tahay cadaw soomaali dhamaanteed loo soo diray lana rabo in aaneey soomaali markale ciso iyo nabad helin.
    hadaba waxaa maanta waajib ah in umadda soomaaliyeed meelkastoo ay joogto ay indhahooda kala furaan iskana daayaan iskala qaybinta iyo qabyaalada nala hartay ee naga dhigtay sida xoolo xero ku jiro oo marba cadawgu midkoow rabo qalanaayo, cadawgeenu maka jeclo waxa la yiraahdo waqooyi, bari, koofur, hadafkiisu waa yaan soomaali markale lugaheeda ku istaagin si ay khayraadka wadankeena u boobaan shacabkeenuna u noqdo kuwo qaxooti ku rafaadsan kuwo tahriib ku baaba,a kuwo wadanka isku laayo iyo kuwo wadamo shisheeye ku magacbeelo.
    hadaba soomaaliyeey waajibka na saaran waa dib isu xisaabin iyo midnimadeeni oo la soo celiyo qabyaalad oo la tuuro iyo dib u heshiisiin qaran oo la bilaabo iyo ciidankeeni oo sidi loo dhisi lahaa laysu garabsado si oow u soo celiyo karaamadii wadankeena.

    illaaheey umaddeena ha israaciyo hana fahansiiyo qaymaha midnimadu leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here