Qaraxyo qasaaro geystay oo ka dhacay dalka Equatorial Guinea

Inta la og yahay 300 qof ayaa ku dhaawacantay dadka kale oo aan wali la cayimin tiradooda waa ay ku dhinteen qaraxyo ka dhacay magaalada Bata

Dadka magaalada ayaa sheegay in qraxyada oo ahaa afar isxigay ay ka dhaceen meel u dhow xero ciidan oo ku taala magaalada .

Qiic ayaa cirka isku shareeray waxaana la arkayay waxaana aad u burburay guryo badan oo ku yaala halka qaraxu ka dhacay

Sababta qaraxa wali lama sheegin waxaana safaaradaha shisheeye ay muwaadiniintooda u sheegeen in aanay guryaha ka bixin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here