Qaxooti ka Yimid dalka kenya oo maanta soo gaaray Muqdisho

Sagaal  qoys oo ka kooban 47 qof oo ka mid ahaa dad Soomaaliyeed oo ka soo Laabtay xeryaha Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaraha ee Magaaladda Muqdisho,waxaana dadkaan ay u badnaayeen haween iyo  Carruur.

Qoysaska Qaar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Aad ugu faraxsanaa in Ciiddooda Hooyo ay  maanta yimaadaan isla markaana dadkooda Soomaaliyeed ay wax la qayb sadaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakcayaasha Qaranka Axmed Cabdikariin Nuur ayaa sheegay in dadka dalka dib ugu soo laabtay aysan jirin cid ku qasabtay in ay soo laabtaaan balse ay iyagu doorteen in ay soo laabtaan.

’Dadkaan iyaga ayaa doortay in ay dib u soo laabtaan cid ku qasabtay malahan, kaddib markii ay dareemeen nabad gelyada dalkooda ka jirta waxaan dadkaan maanta ay si toos ah uga yimaadeen  Xirada Qaxootiga Dhadhaab ee dalka kenya.

Waa markii labaad oo dad Soomaaliyeed oo ka mid ah qaxootiga ku nool xeryahay qaxootiga Gobolka  waqooyi Bari ee dalka  Kenya ay dib dalkooda ugu soo laabtaan waxaana 5,tii bishan laba diyaarad ay saarnaayeen  boqol qoys ay kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Caaalamiga ah  ee Magaaladda Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here