Qaxooti Soomali ay ku jiraan oo ku Hor banaabaxay Xarunta Dowladda Holland ee Heeg.+Sawirro

1122

Qaxootiga ku nool wadanka Hollan ee Banaaka La soo dhigay oo ay ku jiraan Soomaali ayaa waxaa ay bananbax cabasho ah ka sameeyeen Magaalada Denmaag ee Wadanka Holland oo Xarun u  ah Dowladda iyo Boqortooyada iyagoona ka cabanayey  in ay dhibaato ku heysato gu daha Wadanka.

Dadkaan oo ay ku jiraan Soomaali ayaa waxaa ay saxaafada u sheegeen in wayadan ay soo cusboonaatay in Dadka la celiyo iyadoo ilaa sadax qof soo Soomaali ah  si qasab ah loogu celiyey Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Wadanka Soomaaliya, taasi oo welwel  ku abuurtay Qaxootiga banaan yaalka ah ee ku sugan Holland.

Dowladda Holland  ayaa waxaa ay   horey u sheegtay in Qofkii kiiskiisa dacwaded uu xirmo oo la diido in  uusan wadanka Xaq ku lahen lana celin karo waqti kaste  iyadoo dadbadan oo qaxooti ay  ku rafadsan yihiin Gudaha wadanka ku waasi oo aan heysan wax xaquuq ah  iyagoo  ku  nool meel aan nolosha qofkaBini aadam ka ahi  ku habooneyn.

Qoxootigan ,ayaa waxaa ay sheegen in qarbadan oo saaxibadooda ah ay ku jiraan xabsi ku waasi oo sugaayo in la celiyo iyadoona dowladda Soomaaliya ay horey u shegtay qofka si qasab ah aan lagu celin doonin ,ilaa qofka isaga uu dalbado lakiin muddoyinkii dambe ay socotay  in si qasab ah loo celinaayo Qaxootiga Soomaalida .

Qaxotiga Soomaalida  ee ka midka ahaa dadka banaabaxaayey, ayaa waxaa ay ka codsadeen Ururada Bulsahada ee Wadanka Holland ,Safaarada Soomaalida ee Biljimka iyo Dowladda Soomaaliyeed  in ay wax ka qabtaan Arimaha hada soo cusboonaaday ee ku aadan in si qasab ah dadka Soomaalida loogu celinaayo wadankooda.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here