Qeybaha bulshada Gaalkacyo oo soo dhaweeyay Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug

Kaddib markii Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Abdi Kariye uu magacaabay xubnaha golaha Wasiirada Maamulkiis ayaa qaybaha bulshada magaalada Gaalkacy waxa ay soo dhaweeyeen sida ay u arkaan dhismaha golahha Wasiirada Galmudug

Nabadoon Cabdikariin Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu ka soo baxay hawlihii loo igmaday, isaga oo aad u soo dhaweeyey xubnaha golaha Wasiirada oo uu sheegay in ay yihiin kuwo wax ka badali kara hawlaha Galmudug.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa si wadajir u qiray inay soo dhaweynaaan Golaha Wasiirada Galmudug, iyagoo sheegay in wax weyn Galmudug laga qabtay, Madaxweynahana looga baahanyahay in uu dhamaystiro waxyaabaha u dhiman.

Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug ee dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynuhu ayaa looga fadhiyaa in ay la yimadaan wax qabad muuqda, iyada oo meela kamid ah gobolka aad looga taageeray dhismaha golaha wasiirada galmudug oo laga filayo in ay kasoo baxaan shaqada hortaala

W/Q Maxamed Siciid Soomaali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here