Qofkii ugu Horeeyey ee Qaba Cudurka CronaVirus oo Laga Helay Dalka Yemen

 

Dalka Yemen oo la daalaa dhacaya xaalado bini’aadantinimo kuwii ugu xumaa adduunka ayaa waxaa hadda taas u dheer inuu gaaray cuddurka dunida saamaynta ku yeeshay ee CronaVirus, iyadoo la sheegay in dalkaasi laga helay qofkii ugu horreeyey ee qaba cudurkaas.

Wakaaladda wararka Yemen ee SABA ayaa sheegtay in Wasaaradda Caafimaadka iyo guddiga gar-gaarka degdeg ah ee Yemen ay si rasmi ah u diiwaan geliyeen qof laga helay dhamaan calaamadaha lagu yaqaan Crona Virus, qofkaas oo ku nool magaalada Al-Shihir ee gobolka Hadramout oo ku yaalla koonfurta waddanka Yemen.

Guddoomiyaha gobolka Hadramout ee dalka Yemen Faraj Salmin Al-Bihusni oo soo xiganaya Wasaaradda Caafimaadka Yemen ayaa dhankiisa xaqiijiyay qofka laga helay cudurka Crona, wuxuuna bulshada u sheegay in gobolka oo dhan la geliyay xaalad bandow ah.

Gudoomiyaha ayaa soo rogay bandoow laga waaberkii sabtida, sidoo kale wuxuu amray in xilliga habeenkii ah la xiro dhamaan goobaha ganacsiga ee ay bulshadu isugu yimaadaan, sidoo kale waxa uu ku dhawaaqay xiritaanka dekeda magaalada Al-Shihir, wuxuuna faray dhamaan shaqaalaha Dawladda ina

Qofka laga helay Crona Virus ayaa la sheegay inuu yahay muwaadin u dhashay waddanka Yemen oo ka shaqaynayay Dekedda magaalada Shihir, waxaana dad’diisa lagu tilmaamay 60-sano

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here