Qoysas waxyeelo ka soo gaartay qaraxyada UGUS oo deeq lacageed la gaarsiiyay-Sawirro

0
1703

Deeqdan lacageed oo ay soo dhiibeen  haween Soomaaliyeed oo ku nool wadanka  Mareykanka ayaa  waxa ay  tiradooda gaareysay 450 dollarka, iyadoo qoyskiiba  la gaarsiiyay 225  dollar  taas oo la doonayo in lagu dhiirigaliyo  qoysaskaasi oo ay   ka muuqatay daruufo adag ee xaga  nolosha ah.

Ilhaan Cabdi Maxamed  oo dhawac ka soo gaaray qaraxii  ay ku geeriyootay hooyadeed Xalima Maxamed Faarax ee ka dhacay wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare oo la xanuunsaneysa dhaawacaasi  iyo firirkii  ka soo gaaray ayaa  ka mahad celisay deeqda lacageed ay soo gaarsiiyeen haweenka Soomaaliyeed  ee  ku nool wadanka  mareykanka.

“Waan  ka fiicanahay kheyr allaha siiyo  waxaan u baaqaa in qofba waxa uu  jecelyahay ilaah siiyo” ayay tiri Ilhaan.

C/llaahi  Maxamed oo dhalay ilhaan ayaa  ka warbxiyay xaalada gabadhiisa isagoona  ka mahadceliyay deeqda lacageed.

“Alxamdulilaah gabadha  Xaliima  Maxamed Faarax ayaa la dhihi jiray qaraxa ayay ku dhimatay waa  hooyadeed, gabadha firiro ayaa gaaray  firaradiina Alxamdulilaah intii hoose waa laga  bixiyay  ee mid yar ayaa madaxa ku dhiman” ayuu sheegay C/laahi.

Muslimo C/raxman Xasan oo ah hooyada  dhashay wiilkii  Baalishalaha ahaa oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay  maqaayada Banooda oo la gaarsiiyay deeqda lacageed ayaa  ka mahad celisay deeqda kacageed ee la soo gaarsiiyay iyadoona  sheegtay in xaalada nolosha reerka ay aad  u liidato maadaama uu wilkaasi ku geeriyooday qaraxa uu  ka biili jiray reerka.

DSCN2982 DSCN3005 DSCN3011

Sawir Qaade: Muusa Cismaan Abtow

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here