R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Difaaca Badda+Sawirro

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed oo shir jiraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ayaa faah faahin ka hadlay dacwadda Badda ee hortaala Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taas oo dhageysigeeda bilaabaneysa 15-ka bishan Maarso.

“Saakay waxaan u ambabaxaynaa si aan uga qeyb galno dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya oo 15-ka bishan ay fureyso maxkamadda caalamiga ah” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku-xigeen Mahdi Guuleed oo saakay warfidiyeenada kula hadlayay gudaha Garoonka Aadan cadde.

Mr. Mahdi Guulleed ayaa ka codsaday ummadda Soomaaliyeed, Warbaahinta Afka Soomaaliga iyo warfidiyeennada Soomaaliyeed in ay door ka qaataan si loo difaaco Badda

“Kaalintiina saxaafad ahaan waa inaad qaadataan si loo difaaco badda Soomaaliya”, ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku-xigeenka.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka waxba ka hagran dhammeystirka tasiilaadka iyo agabka lagama maarmaanka u ah dacwadda Badda.

“Soomaaliya waxaan rajaynayaa inaan ku guuleysano gabagabada kiiska Badda” Ayuu yiri Xeer illaaliye Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha uu hoggaaminayo eek u sii jeeda magaalada Heeg ayaa waxaa ka mid ah Xeer ilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo ka mid ahaa madaxdii ka soo shaqeysay furitaanka gal dacwadeedka Badda ee Maxkamadda caalamiga ah iyo Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Badda cas iyo gacanta Carabta.

Maxkamadda Caalamiga ayaa sheegtay in ay tahay fursaddii ugu dambeysay ee dhageysiga dacwo afeedka badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo ku beegan bartamaha bishan March 2021-ka, Iyadoo ay maxkamaddu dhowr jeer oo hore dib u dhigtay dhageysiga gabagabada ah kadib markii ay Kenya 3-jeer sidaasi codsatay.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here