Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku soo dhoweeyay Guddoonka Gollaha Shacabka ee BFS+Sawirro

1430

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kusoo dhoweeyey Guddoonka Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Sheikh Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Mahad Cabdalla Cawad waxay ku balameen in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Xafiiskeyga ayaan kusoo dhaweeyey guddoonka Golaha shacabka. Waxaan ku ballanay in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka,” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

30-ka bishii April ee aan ka soo gudubnay ayay ahayd markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ka dib doorasho ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here