Ra’iisul wasaaraha dalka oo maanta kormeerey dekada Muqdisho-Sawirro

0
1900

Kormeerkaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaailya, Mudane Cumar C/rashiid Cali uu u tagay dakedda weyn ee magaalada Muqdisho ayeey u jeedkeedu aheyd, sidii uu ugu kuurgeli lahaa hamsami u socodka horumarka ka socda Dakedda weyn ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, ayaa kormeer uu ku soo indha indheeyey qeybo ka mid ah dakedda iyo shaqooyinka ka socda kadib ayuu kulan waxa uu la qaatay maareeyaha dakedda mas’uuliyiinta shirkadda Al-beyrak ee dalka Turkiga oo iyaga gacanta ku  haya maamulka Dakedda Muqdisho.

Maareeyaha Dakedda magaalada Muqdisho, Mudane Cabdullaahi Cali Nuur, ayaa kulankaasi iyo kormeerka Ra’iisul wasaaraha kadib waxa uu la hadlay warbaahinta Qaranka, isagoo u faah-faahiyey waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.

Dhanka kale Maareeyaha Dakedda Muqdisho, mudane Cabdullaahi Cali Nuur, ayaa ii sheegay in horumar la  taaban karo uu ka jiro dakedda, sida dhanka qalabka lagu qabto howlaha dakedda iyo qaabka  howlgalka oo noqdey mid la mid ah dakadaha waa weyn ee dalka.

Dakedda weyn ee magaalada Muqdisho, waxaa gacanta ku haya Shirkadda Al-beyrak ee dalka Turkiga, waxaana weli ka socda dhismayaal waa weyn oo loogu talagalay in lagu ballaariyo Dakedda, si ay u qaaddo miisaanka baaxadda leh ee dhinacyada Ganacsiga iyo alaabaha kale ee la keenno dalka, waana mid ka mid ah ilaha ugu waa weyn dhaqaalaha dowladda Soomaaliya.

 IMG_3981 IMG_4002 IMG_4006 IMG_4009 IMG_4015

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here