Ra’iisul wasaaraha Kanada oo difaacay dharka haweenka Muslimka ah

7910

Ra’iisul wasaaraha dalka  Kanada Justin Trudeau  ayaa sheegay in uu difaacayo xuquuqda shakhsiga iyo xoriyadiisa mar wax laga weydiiyay in Kanada sida France oo kala ay mamnuucayso dharka ay xirtaan dumarka muslimka ah. Xilli uu muujinayay kala duwanaanshaha xagga dhaqanka iyo dulqaadka Kanada ay leedahaya.

Xubin ka tirsan baarlamaanka dalka Kanada oo ka soo jeeda gobolka Quebec ayaa waxaa ay soo jeedisay in la mamnuuco dharka ay qaataan dumarka muslimiinta ah si ay ugu deydaan 15 magaalo oo dalka France ku yaala oo dhowaan haweenka muslimka ah mamnuucay dharkaas.

“Waxaan leenahay dulqaad muddo dheer ka soo jirey Kanada,” sidaa waxaa war fidiyeenka u sheegay Mr. Trudeau.

Ra’iisul wasaaraha oo kulan golahiisa wasiirada ay kaga hadlayeen ajendiyaal ku saabsan sharciyada ayaa waxaa uu sheegay in arimahan oo kala ay ka dhalan karaan caro bulsho isla markaana ay isku dayayaan in ay taa ka fogaadaan maadaama dhacdooyinka dalka France ka dhacaya ay loo aaneynayo mamnuucida arimahaas.

Justin Trudeau  ra’iisul wasaaraha dalka Kanada ayaa waxaa uu ku baaqay in la xoshmeeyo xoriyadda shakhsiga iyo dooqiisa. Isagoona meesha ka saaray in Kanada laga mamnuuco dharka haweenka muslimka ah ay qaataan, waxaana uu sheegay in dadka reer Kanada ay ka sareeyaan waxyaabaha keena is maanshaafka.

“Dalka Kanada, waxaa ka jira is ogolaansho, is  xormeyn iyo isfaham. Halkan aan u socono iyo waxaa aan ku socono ayaa ah kala duwanaanshaha ay qaniga ku tahay bulshadan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. aniga ad ban usoo dhawaynayaa hadalkan kasoobaxay
    raisul wasaraha dalka kanada justin trudeue waxuuna uhadlay
    qaab diblamasi ah runtii wana hadal soo jiidankara bulshada Calamka kara ahan dayooga muslimiinta ee Kunool Dalka Kanada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here