RW. Cumar: “ Codsiga 10 maalmood wuxuu ahaa mid ka turjumaya tixgalinta talooyinka Baarlamaanka iyo dhamaystirka Xukuumadda”

1
1182

Muqdisho, 31 January, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo caawa saxaafadda la hadlay ayaa uga mahadceliyey xubnaha golaha Shacabka J.F.S in ay ka aqbaleen codsigiisii ahaa in 10 maalmood loogu daro waqtiga, si loo soo dhameystiro dhismaha Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay waqtiga kooban ee la siiyay in uu ku dhaqaaqi doono wadatashi uu la yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kalana uu usoo bandhigi doono Golaha Shacabka Barnaamijkii Xukuumadda oo kooban marka la horkeeno Baarlamanka.

“Runtii go’aankii codsiga waqti kordhintu wuxuu ahaa mid ka tarjumayay tixgelinta talooyinkii Xildhibaanada oo ahaa in la soo dhameystiro Xukuumadda. Muddadaa kooban waxaan ka shaqeyndoonaa ballaaarinta wadatashiga, abuuridda kalsoonida iyo baadi goobka aan ugu jiro in la helo xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmaarke oo intaas raaciyay.

“Waxaa xusid mudan iney dalka ka luntay ku dhawaad afar bilood oo waxqabadkii Xukuumadda dib-u-dhac ku yimid. Waxaa hoos u dhac ku yimid hawlihii adeegga qaranka, sida gurmadkii abaaraha, dhisiddii maamullada gobollada, dib u heshiisintii, xasilintii dalka, meel-marintii shuruucda iyo guddiyada madax-bannaan kuwaasoo fududeyn lahaa ka mira-dhalinta Hiigsiga 2016”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa tilmaamay si looga gudbo caqabadahaas in muhiim ah ay tahay in soo dhameystiro xubnaha ka dhimman Xukuumadda, iyadoo la soo xuli doono xubno ku sifoobay wadaninimo, daacadnimo, karti iyo hufnaan, wuxuuna ka codsaday Baarlamaankana in ay kalsoonidooda siiyaan marka la horkeeno Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney sii laba jibbaaraan taageerada ay siiyeen xukuumadda, iyadoo uu balan qaaday in mar-walba dareenkooda iyo shucuurtooda la tixgalinayo.

—DHAMMAAD—–
unnamed

unnamed (1)

unnamed (2)

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. soomaalidu waxeey tiraahdaa sidaad rabtay hadaad weydo sidaad ka badinweysaa la yeelaa.

    ra,iisulwasaaruhu waxoow codsaday in la siiyo fursad ow dowlada ku soo dhameystiro taasise waxeey timid markii xildhibaanadu ku xujeeyeen inoow wasiiro kale keeno marka isagoo ka dheeraanaayo in iskhilaaf cusubi yimaado ayoow hadana markale codsaday in fursad kale la siiyo.
    waxaan shaki ku jirin in ay xildhibaanadu dareemeen dhowr arrimood oo ay ugu muhiim sanyihiin labo ka mid ah

    1-xildhibaanadu waxeey wasiirada ka waayeen xildhibaanadii ay la rabeen ineey wasiirada ka soo muuqdaan.

    2-xildhibaanada waxaa lama filaan ku noqotay wasiirada labaatanka ah ee shacabka dhamaantood soo dhaweeyeen. oo aaneeysan u heli karin ceebo ay ku sheegaan waayo xilal hore oo ay ku eedeeyaan sooma marin.
    sidaas darteed waxeey ra,iisulwasaarihi ku xujeeyeen inoow wasiirada soo badiyo.
    waxaa nasiib daro noqotay in golahii la magac baxay golahii shacabka ay maanta noqdeen lugooyada ummada soomaaliyeed waxaana maanta shacabka soomaaliyeed dhamaantiis fahansanyahay in xildhibaanadaan aaneeysan ummadaan u daneyneyn taasna waxeey ku cadahay in afar bilood ay ku raali noqdeen in wadanki noqdo dowlad la,aan aaway damiirka wadaniga ah ee ogolaanaayo in wadankiisu afar bilood shaqadiisii istaagto?

    waxaan aad ula yaabanahay in xildhibaanadu markeey arkaan madaxweynaha iyo ra,iisulwasaare is khilaafsan ay dab ka dhax huriyaan maanta oo ra,iisulwasaarihi iyo madaxweynihi is fahmeen iskuna raaceen wasiiradiina ay diidan yihiin in la ansaxiyo wasiirada.
    waxeey maanta ila tahay ineey rabaan in ay markale ra,iisulwasaaraha ku xujeeyaan xildhibaano wasiirada noogu dar amaba ay rabaan in ra,iisulwasaaruhu inta dhibkooda u adkeysan waayo iscasilo.

    waxaan halkaan salaan sharaf leh uga dirayaa madaxweynaha oo muujiyay muddo dheer sabar iyo dulqaad badan waayo xildhibaanadaani madaxweynaha haba yaraatee wax ixtiraama ma siin. waxaana leenahay madaxweyne shacabka soomaaliyeed intii damiir wadani qabto waxeey og yihiin duruufahaad ku shaqeeysay mudadii aad xilka haysay iyo horumarka ow wadanku qaaray waxaana kuu sheegeynaa in aan habeen iyo dharaar duco kula garab taaganahay ilaaheeyna hakuu fududeeyo masuuliyada kuu taalo hana kuugu irsaaqo madax daacad wadankooda iyo shacabkooda u ah oo howshaan toos kuula wado ummadana gaarsiiyo nabad iyo midnimo.

    waxaankaloo halkaan salaan sharaf iyo qadarin leh uga dirayaa ra,iisulwasaaraha c. c.sharma,arke oo aan leeyahay waxaad muujisay bislaasho iyo sabar una dulqaadatay xildhibaanada aan weli qaangaarin waxaadna tustay hadeey siyaasada dugsi dhexe ugu jiraan inaad guri siyaaso ku soo kortay wallaahi waa wax qofkasto fahmi karo in xildhibaanadaani ay isku darsadeen siyaasada oo aaneey wax ka aqaanin iyo iyagoon wadankooda u daneeynaeyn.

    waxaan ra,iisulwasaaraha ka codsaneynaa boqol goor inoowsan bedelin wasiirada labaatanka ah ee shacabku ku farxay laakiin inta dhiman ow soo dhameystiro, illaaheyna ha usahlo howshaan culus.
    waxaan kaloo ka codsaneynaa inoow shacabkiisa dartiis u sabro oo aanoow fursad u siin xildhibaanadu ineey gaarsiiyaan inoow iscasilo. waxaan leeyahay aabahaa waxoow dhintay isagoo wadankiisa wax qabadkiisa u taagan
    waxaana la yiraahdaa ninkii aabihii u raad ekaada ma dhumin wadankaana waxaa u dhintay dad aad u badan si oow markale lugaha ugu istaago waxaana illaaheey ka baryayaa in taariikhdu kuugu darto kuwa soomaali magaceeda soo celin doono.

    kama dambeynti waxaan illaaheey ka baryayaa inoow wadankeenu gaaro isagoo nabad ah midnimadii soo noqotay
    wadankuna leeyahay sharci aaneey qofna ku xad gudbi karin waloow ay ahaadaan xildhibaanadu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here