Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid taliyhihii hore ee ciidamada Cirka Soomaaliya

Ra’iisulwasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xussen Rooble ayaa tacsi udiray dhammaan dadka Soomaaliyeed geeridii ki timid taliyhihii hore ee ciidamada cirka Soomaaliya

Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Gen.Khaliif Ciise Mudan.

Marxuumku waxa uu ahaa muwaadin qiime badan oo qarankiisa ugu soo adeegay si daacad ah oo hagar la’aan ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ka waraabiyo annagana uu samir iyo iimaan naga siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here